XOG: Axmed Madoobe oo ku dhow qaadashada talooyinkii uu ujeediyay madaxweyne XASAN Sh.

Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa heysta fursada uu kusoo magacaabi karo golo wasiiro oo loo dhan yahay, kadib markii muddo labo bilood oo dheeri ah ay ugu dareen xubnaha baarlamaanka ee maamulkaasi.

Ujeedada Waqtiga dheeriga ah uu ugu darsaday Axmed Madoobe ayaa waxay tahay sidii loo qancin lahaa dhamaan siyaasiyiinta kasoo horjeeda maamulkiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo gobolada uu ka taliyo maamulka Jubbaland.

Ilo xog Ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in Axmed Madoobe uu ku dhow yahay qaadashada talooyin ay usoo jeediyeen madaxda ugu sareyso dalka ee kala ah Xasan Sheikh iyo Cumar C/rashiid, talooyinkaasi oo ahaa in maamulkiisa markaan uu kusoo daro siyaasiyiin sida weyn kaga so horjeedo.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Sabtida la filayo magaalada Kismaayo in lagu qabto shir ay ka qeyb galayaan siyaasiyiin kasoo jeedo gobolka Gedo, kuwaasi oo si weyn kaga soo horjeedo maamulka Axmed Madoobe.

Raga ugu cad cad ee la filayo iney kasoo dhex muuqdaan wasiirada cusub ee maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamuud Aw-Libaax walow warar qaar ay sheegayaan in la filayo in laga qeyb galiyo Barre Aadan Shire Hiiraale.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com