Xog cusub oo aan ka helnay isku shaandheynta lagu sameynayo golaha wasiirada + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorshaha isku shaandheynta Golaha Wasiirada ee uu wado Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid.

Isku shaandheynta oo Seddexdii maalin ee lasoo dhaafay laga dareemaayo Madaxtooyada Somalia ayaa la sheegayaa inay ku bixi doonaan Wasiiro dhowr ah, halka qaarkoodna xilalka loo kala wareejin doono.

Wasiirada ku bixi doono isku shaandheynta ee sida aadka ah looga hadal hayo xarumaha Dowlada ayaa waxaa kamid ah:

1-Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen Odawaa

2-Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Somalia Cabdirisaaq Cumar Max’ed.

3- Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar

Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa isla meel dhigay in Wasiir Cabdirisaaq laga dhigo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo haatan dhismihiisa la guda galayo.
Sidoo kale, Odawaa ayaa isna lagu qancin doonaa mid kamid ah Safaaradaha Somalia ee ku yaalla dalalka carabta, sida uu qorshuhu yahay.
Dhanka kale, qorshahaani ayaa waxa uu marayaa heer gabagabo, waxaana la soo warinayaa in goordhow isku shaandheyntaasi laga filaayo inuu ku dhaqaaqo Ra’isul wasaare Cumar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com