Caqabad xooggan oo soo food saartay Guuleed!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu kala diray golaha deegaanka Koonfurta Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Maamulka uu dib isugu yeeri doono Golaha, inta ka sokeysana aysan isugu imaan doonin wax howl ah.

Madaxweyne Gulleed ayaa la sheegayaa in kala dirista Golahaasi uu ula gol leeyahay inuu soo dhiso golo cusub oo ka tayo badan Golahaasi oo horay u shaqeyn jiray.

Gaalkacyo ayaa waxaa hadda ka socda qaban qaabada lagu dhisi lahaa Golaha deegaanka, waxaana arrintaasi gacanta ugu weyn ka geysanaaya Madaxweyne Gulleed oo isagu la damacsan shaqsiyaad gaar u ah.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Madaxweyne C/kariin uu xilka ka qaaday Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug ninka lagu magacaabo Aweys Cali Saciid.

Arrintaani ayaa suuragal ah in caqabad hor leh ay u abuurto Madaxweyne Gulleed oo aan wali la qabsan Siyaasadii looga baahnaa in lagu hago Maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com