Ciidamada Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe oo Kismaayo ku dagaalamay iyo warar sheegaya in..

Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale iyo ciidamada maamulka Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay deegaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Maamulka Axmed Madoobe ay weerareen fariisin ciidamada Barre Hiiraale ku lahaayeen deegaanka Goobweyn, waxaana la sheegayaa in qasaaro uu ka dhashay dagaalka.

C/rashiid Macalin Gaas, oo kamid ah saraakiisha ciidamada Barre Hiiraale ayaa sheegay in dagaalka uu ka dambeeyay markii ciidamada Axmed Madoobe isku dayeen iney xoog ku galaan saldhiga ciidamada ku sugan yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

Dagaalkaasi ayuu sheegay in ciidamada maamulka Jubba ay kaga dileen ku dhawaad 2 askari oo mid kamid ah meydkiisa ay horey uqaateen sida uu sheegay C/rashiid Macalin Gaas.

Maamulka Jubba ayaanan ka hadlin dagaal ka dhacay deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose, marka laga yimaado saraakiisha Barre Hiiraale ee guulaha ka sheeganaya dagaalka Goobweyn.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com