Diyaarad siday rakaab oo kusoo dhacday Juba…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada Jubba ee xarunta Dowlada South Sudan ayaa sheegaya in deegaan aan halkaasi ka fogeyn ay goordhow kusoo dhacday diyaarad laga lahaa dalka Ruushka.

Diyaaradaani ayaa siday rakaab farabadan waxaana ilaa iyo iminka la cadeynayaa in shilkaasi ay ku naf waayen ilaa 45 ruux oo u badan dadkii rakaabka ahaa, iyadoona ay suuragal tahay in dhimashada ay intaa kasii badan karto.

Dadka ka badbaaday diyaarada ayaa waxaa kamid ahaa canug aad u yaraa kaasi oo aan gaarin wax dhaawac ah.

Saraakiisha Dowlada Koonfurta Sudan ayaa sheegay in burburka diyaarada ay sabab u tahay jihadii ay ka dagi laheyd oo ay lumisay, waxa ayna intaa raaciyeen inay dhici karto cilado kale, balse lagu sameyn doono baaritaan.

Diyaaradaani ayaa noqoneysa tii labaad oo laga leeyahay Ruushka oo muddo gaaban gudaheeda kusoo dhacday.

Daacish ayaa horay u sheegatay inay soo riday diyaaradii laga lahaa Ruushka ee kusoo dhacday buuraaleyda dalka Masar, taasi oo ay ku dhinteen ilaa 224 ruux oo ahaa rakaabkii saarnaa diyaarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com