Cabsida Xasan Sheekh: Shir muhiim ah oo lagu casummay Puntland kaligeed (Maxaa socda?).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir looga dooday sharciga dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka oo ka mida Hay’adaha Sharciga ah ee aan lagu guuleysan in dalka laga dhiso intii uu xilka hayay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo uu shirkaasi ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari .

Shirkan looga hadlayo sharciga dhismaha maxkamadda dastuuriga ee horyaalla Barlamaanka Federaalka oo marayy akhrinta 1-aad waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirka caadaaladda, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, guddiga garsoorka Golaha shacabka Soomaaliyed iyo Wasiirka cadaaladda ee maamulka Puntland.

Wasiirka ka socday maamul Goboleedka Pubtland ayaa ahaa mas’uulka kaliya ee ka socday maamul Goboleedyada dalka ka jira ee shirkaasi ka qeyb galay, iyadoo dhowaanahan ay isu soo dhowaanayeen maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka iyadoo aan la ogeyn waxa ka danbeeyay isu soo dhowaanshahan gaarka ah.

Waxaa yaab leh in dhammaan maamulada kale ee dalka ka jira iyo dadka deganba iyo maamulka gobolka Banaadir aysan jirin cid u mataleysay shirkan, taasi oo ku tusineysaa xadgudubka dowladda Xasan Sheekh iyo inuu si aad ah uga baqayo qeylo-dhaanta joogtada ah ee Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com