6 siyaasi oo dalka iyo dadka ay u baahan yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) –  Soomaaliya waxay u baahan tahay madax caddaalad ah, oo danta guud ka hormariya tooda gaarka, caddaaladda, xaqsoorka, Garsoorka, wax siinta, iyo la xisaabtanka, dabagalka, iyo jagosiinta, jagodalacsiinta, iyo soo dhaweynta intaas iyo inkaloo badan ay muwaadiniintu u siman yihiin.

Soomaaliya waxay u baahan tahay masuul dhaweraya sharafta, midnimada, iyo karaamada dalka iyo dadka Soomaaliyeed meelkasta iyo waqti kastaba.

Soomaaliya waxay baahan tahay masuul xil iska saaraya sidii ay dadka uu masuulka u yahay u heli lahaayeen nolol caafimaad leh, waxbarsho tayo leh, biyo, cunto , koronto, jidad wanaagsan oo gaadiidka ay maraan ha noqdaan kuwa xawliga dheer lagu socdo ee Gobollada isku xira, kuwa dagmooyinka isku xira ee xawliga ama xawaaraha dhexe lagu socdo isla markaana leh calaamadaha sheegaya marka wadadu qaloocanayso, marka waddo kale kusoo darmayso, iyo marba calaamadaha tusinaya xawaaraha loogu talagalay in lagu socdo, iyo kuwa dadku maraan ee magaalooyinka dhexdooda.

Soomaaliya waxay baahan tahay masuul u naxaya dadka tabarta daran ee Waayeelka ah, Carruurta, naafada, ha ahaato midda jismi ahaaneed iyo midda caqli ahaaneed, dadka saboolka ah, dumarka ragoodii dhinteen ama bas, ama bir midkay doontaba ha u dhinteene iyo caruurta Agoonta, ah iwm.

Soomaaliya waxay u baahan tahay masuul dhaweraya sharafteeda dal ahaaneed oo xornimada ah, xuduudaheeda badda, berriga iyo hawadaba aana cidna marti uga noqon una diyaariya ciidankii, cududdii iyo caqligii uu ku difaaci lahaa isla markaana diyaariya sidii uu ku saari lahaa calooshood u shaqaystaalka noo soo shaqo doontay ayagoo ku marmarsoonaya argagixiso la dagaalan, isla markaana ciidamada Soomaaliyeed siiya waxa calool u shaqaystayaalku ku qaataan magaca soomaaliya.

Soomaaliya waxay baahan tahay dad naftood hureyaal ah isla markaana u istaaga isu keenidda ummadda soomaaliyeed, kana shaqeeya heshiisiinta, xaqsoorka, iyo walaalaynta dadka walaalaha ah ee xigtada, xigaalka iyo qoyska iyo qaraabada wada ah ee gumaystaha iyo inta la fikirka ahi cuqdada iyo colaadda dhex dhigeen.

Allahayoow noo sahal adigaa wax kasta agtaada sahal ka yihiine
GUUL IYO GOBONIMO ALLOW NA SII OO GUNNIMADA NAGA

Ka faalloode arrimaha Soomaaliya
Dr. Xuseen Cabdi Ciise

FG: Qoraalka Wuxuu ka Tarjumahaa Fikrada Shaqsiga ku saxiixan kama Tarjumayo Aragtida Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqidsho
Caasimada@live.com