Xog: Qorshaha Xasan Sheikh iyo Faarax C/qaadir ee Shabellada Dhexe iyo Hiiraan (Arrin cabsi leh)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmo ka hor la magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha JFS Cabdiraxman Odowaa guddi farsamo oo ka kooban 14 oo loo qoondeeyay in aay dar-dar geliyaan maamul u sameynta Gobolada Sh. Dhexe iyo Hiiraan.

Haddaba waxaa isa soo tarayo tuhun badan oo laga qabo qaabka iyo shaqsiyaadka loo magacaabay guddigan.

Haddaba maxay tahay danta gaarka ah ee laga leeyahay in lagu soo koobo 14, yaase ka danbeeya magacaabida, maxuuse yahay goolka laga leeyahay.

Shaqsiyaadka la magacaabay qaar ayaa ka soo jeeda beelaha ugu yar ee dega labada gobol, qaarna maba kulaha degaan labad gobol.

Tusaale: Beesha Shiikhaal waxaa la siiyay labo (2) Hillibi oo ah qabiilka ugu yar ee dega Sh. Dhexe waxaa la siiyay hal (1), Xawaadle iyo Abgaal oo ugu badan qabaa’ilka dega labada gobol waxaa la siiyay (2) labo. Beesha Yaxar waxaa la siiyay hal (1).

Bal aan qaadaa dhigno ujeedka laga leeyahay iyo meesha loo socdo.

Xil. Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa musharax u ah kooxda Xasan Sheekh, ujeedka ugu weyn oo laga leeyahayna waa in la soo xulo xildhibaano u doorta madaxweyne Faarax Cabdulqaadir.

Sidee ku dhici kartaa baa dad badan is weydiinayaan? Haddaba aan dib u jaleecno wixii ka dhacay Cadaado, oo dad badan aay is lahaayeen Cabdikariin Xuseen Guuleed ma noqon doono madaxweyne, balse aan dib u jaleecno yeey ahaayeen guddigii farsamada, yaase madax looga dhigay? Waxaa soo xulay kooxda Xasan Sheekh waxaana madax looga dhiga Faadumo Yarey.
Kooxdan hadda la soo xulayna waxaa madax looga dhigay Caasho Cabdulle (Raagto)

Afar iyo tobanka xubnood ee ku jira guddiga farsamada ma aha dad aqoon u leh degaanka iyo qabaa’ilada aay matalayaan, waxaana loo soo xushtay in lagu xalaaleysto danaha laga leeyahay si aanu shaki u gelin hanashada kursiga madaxweyne ee Sh. Dhexe iyo Hiiraan.

Arrintan ayaa ku socoto jid halis ah oo keeni kara colaad sokeeye iyo in aay is laayaan dad walaalo ah oo wada dega.

Ujeedka ugu weyn oo Odowaa ka leeyahayna waa in uu nuqsaamiyo awooda siyaasadeed ee beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo caqabad ku noqon kara soo noqoshada Xasan Sheekh ee doorashada la filaayo in aay dhacdo 2016.

Shir maanta aay isugu yimaadeed wax garadka beelaha dega Sh. Dhexe & Hiiraan oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa uu u sheegay in 14 xubnood uu isaga gacantiisa ku soo xushtay wasiirkana aanu wax shaqo ah ku lahayn, Shirkaas ayaa lagu kala dareeray. Wax garadka gobolada Hiiraan & Sh. Dhexe ayaa uga digay madaxweynaha in aanu ku qaldamin arrimaha qaar. Goboladana aay u madax bannaan yihiin aaya ka talin tooda, marnaba ma yeeli doono in afka nala qabto oo waxaad rabto adiga ka sameyso aayaha labada gobol ayey u sheegeen wax garadka Madaxweyanaha.

Ugu Danbeyn Madaxweynaha ayaa soo jeediyay talo kale oo ah in gebi ahaanba leyska dhaafo guddiga farsamada, maamulka iyo farsamadana loo dhaafo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirkeeda. Taasoo micnaheeda tahay in Wasiirka iyo Madaxweynaha aay iyaga u madaxbannaan doonaan xulashada ergada soo xuleysa xildhibaanada. Taasoo siineysa kalsooni badan iyo in aay keensadaan xildhibaano aay soo xusheen.

Waxaa hubaal ah in fekerka iyo talada danbe ee madaxweynaha aay keeni doonto dagaal mar kale dib uga dhaca Gobolada Sh. Dhexe iyo Hiiraan.

Odayaashii ayaa iyagana ka biyo diiday taladaas.

hiiraan

 

[sh_poll poll_id=”4854976″]