Xog: Beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo naqshada guddiga farsamada u gudbiyay XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo kulamo gaar gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa warqad u gudbiyay madaxweynaha Soomaaaliya.

Xildhibaanada oo kasoo jeeda beelaha Abgaal iyo Xawaadle ayaa u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya warqad ay ku cadeynayaan qaabka loo qeybin karo gudiga farsamada maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Qaabka cusub ayay u arkeen xildhibaanada kasoo jeeda labada gobol inuu xal u yahay is qabqabsiga beelaha kala duwan ee degen Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo cabasho isku mid ah ka keenay gudigii farsamada ee uu ku dhawaaqay Wasiir Odowaa.

Xildhibaanada ayaa soo jeediyay in loo qeybiyo gudiga farsamada maamulka loo sameynayo labada gobol, sida soo socota:-

Beelaha Abgaal yo Xawaadle Min lix “6” xubnood iney ku lahaadaan gudiga, beelaha Gaaljecel iyo Gugundhabe min 3 xubnood, Beelaha Habargidir, Ujeejeen iyo Jareer la siiyo min 2 xubnood halka beelaha kale ay soo jeediyen in la siiyo min hal xubin oo gudiga ah.

Lama oga in talada xildhibaanada Xawaadle iyo Abgaal ay noqon doonto mid la aqbalo iyo inkale, maadaama dhamaan beelaha dega Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay kasoo horjeesteen gudigii ka koobnaa 14 xubin oo wasaarada arimaha gudaha ku dhawaaqday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com