Ceerigaabo (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa ka kacay kaymaha buuraleyda gobolka Sanaag, kaasoo sababay dhaawacyo badan iyo burburka dhul beereedyo iyo deegaano dabiici ah. Dabka oo si deg-deg ah ku fidaya ayaa noqday mid si weyn u saameeyay bulshada deegaanka.
Xukuumadda Somaliland ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dabkaas loo xakamayn lahaa. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdirashiid Maxamed Magaalo, oo booqday goobta uu dabku ka kacay, ayaa sheegay in tani tahay masiibadii ugu darnayd ee abid ka dhacda buuraleyda gobolka Sanaag.
“Waa masiibo qaran. Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu dabkan bakhtiiyo. Dad badan ayaa gurmaday, waxaan ugu baaqeynaa inay is ilaaliyaan,” ayuu yiri Wasiirku.
Wasiiru-dawlaha ayaa xusay in qalab caafimaad oo dhammaystiran la geeyay halka uu dabku ka kacay, isla markaana ay ka howl-galayaan kooxo caafimaad iyo ciidamo.
Waxa uu sheegay in inkastoo dhimasho aanay jirin, ay jiraan dhaawacyo badan. Wuxuu intaas ku daray in xilliga xagaaga oo dadku buuraha usoo daadsamaan uu sii xoojiyay halista dabka.
Ciidamada dab-damiska ee ka kala yimid magaalooyin dhowr ah sida Berbera, Burco, iyo Hargeysa ayaa gaaray gobolka, balse goobta buuraleyda ah iyo baaxadda uu dabku leeyahay ayaa caqabad ku noqotay hawl-gallada daminta.
Taliyaha Ciidanka Dab-damiska, Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa sheegay in ay wadaan gurmad ballaaran, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin dhinaca gaadiidka ah.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse (Axmed Isdabar), ayaa bulshada Ceerigaabo ugu baaqay inay si degdeg ah u gurmadaan, isagoo xusay in dabkaasi aanu ahayn mid si fudud loo xakameyn karo. “Beerihii way dhammaadeen, waxaannu doonaynaa inaan ka hortagno in dadkuna waxyeello la kulmaan,” ayuu yiri.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa la sheegay inuu hadlay masuuliyiin ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta si loo helo kaalmo deg-deg ah, oo ay ku jirto diyaarad dab-damis ah, si loola tacaalo baaxadda weyn ee uu dabkani leeyahay.
Inkasta oo dabab hore uga dhaceen buuraleyda Sanaag, haddana kan ayaa lagu tilmaamay kii ugu weynaa ee abid ka qarxa halkaas, wuxuuna halis weyn ku yahay deegaanka dabiiciga ah ee cagaaran ee gobolka. Dabka ayaa gubay dalagyo badan oo beereed, waxaana jira cabsi ah inuu sababo nabaad-guur ballaaran.

