Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dab khasaare hantiyadeed geystay uu ka kacay magaalada Kismaayo.
Dabka ayaa ka kacay suuq ku yaala magaalada wuxuuna ka dhashay goob macmacaanka lagu diyaariyo oo ku taala suuqa uu dabka ka kacay.
Hal ruux ayuu waxyeelo u geystay dabka, waxaana gabi ahaanba baaba’day goobta dabka uu kacay oo ku taala magaalada kismaayo.
Dadka deegaanka oo kaashanaya maamulka Jubbaland ayaa billaabey iney damiyaan dabkaasi si aanu ugu faafin xarumaha kale ee ganacsiga, iyadoo lasoo sheegayo in lagu guuleystay daminta dabkaasi.
Lama oga khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dukaankan inta uu la egyahay, waxaana dabkan uu yahay midkii ugu horreeyey ee noociisa ah oo ka kaca magaalada Kismaayo tan iyo dhismaha maamulka Jubbaland.


Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
[email protected]

