29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Dagaalka Xasan iyo CC oo sii xoogeystay iyo CC oo soo saaray warqad aan caadi ahayn (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa sii xoogeystay, waxaana hadda uu galay xubnaha Aqalka Hoose ee gobollada Waqooyi ee doorashadooda ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho..

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in maadaama xildhibaanada Aqalka Hoose ee reer Waqooyiga lagu dooranayo Muqdisho, oo aysan jirin maamul goboleed maamulaya, ay labada ninba u arkaan fursad xooggan oo ay kusoo saaran karaan xildhibaano taageera.

Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid ayaa labaduba ah musharaxiin madaxweyne.

Waxaa jira warar sheegaya in xildhibaanada kusoo baxaya loolanka beelaha gobollada Waqooyi ay u badnaan doonaan kuwa raacsan Xasan Sheekh maadaama dowladda federaalka ay maamuleyso tartanka xubnahan, gaaara ahaanna xafiiska madaxweynaha.

CC iyo XasanIsaga oo arrintaas ka hortagaya, ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid waxa uu maanta qaaday taallaabo aan caadi ahayn, isaga oo soo saaray warqad uu ku dalbanayo in doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee gobollada Waqooyi lagu qabto xarunta Xalane oo Amisom ay dusha kala socoto.

Hadalka Cumar Cabdirashiid ayaa xoojinaya soo jeedinta odayaasha Waqooyi ee ahaa in doorashadan lagu qabto xarunta Xalane.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa warka ra’iisul wasaarah ku macneeyey mid uu garowsan yahay in haddii doorashadan lagu qabto xarunta Gaadiidka ee Muqdisho ay akdaan doonto inuu wax saameyn ah ku yeesho.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa la rumeysan yahay inuusan yeeli doonin in doorashada loo weeciyo xarunta Xalane, waxayna u badan tahay inay ka dhacdo xarunta Gaadiidka.

Hoos ka arag warqadda ra’iisul wasaaraha

war

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News