28.2 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Xog: Musharaxnimada Shariif Xasan oo la ogaaday inay tahay jiliin (Qorshihiisa rasmiga ah)

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa bilaabay olole ballaaran oo xildhibaanada labada aqal ee kasoo galay deegaanada maamulkiisa kaga dhaadhicinaayo qorshahiisa siyaasadeed ee ololaha doorashada.

Shariif Xasan oo dhawaan ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka Madaxweynaha ayaa warar hoose waxay sheegayaan in musharaxnimadiisa ay tahay mid siyaasadeed, isagoo ka dhaadhiciyay xildhibaanada Digil iyo Mirifle in wixii markaan ka danbeeya beeshiisa qaadan doonin Guddoomiye Baarlamaan, wax aan Madaxweyne aheyna u cuntami doonin, hase ahaatee ay taasi tahay mid aan waxba ka jirin.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Shariif Xasan musharaxnimadiisa inay tahay mid jiliin ah oo uu ku doonayo inuu gorgortan ka sameeyo xilka guddoomiyaha baarlamaan loona gacan geliyo siyaasiyiin jeebka ugu jira oo u diyaarsan.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Shariif Xasan diyaarsaday siyaasiyiin ay saaxiibo dhow yihiin, kuwaasi oo uu la damacsan yahay inay qabtaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana siyaasiyiintaasi ka mid ah Maxamed Mursal Sheekh, oo ah wasiirka macdan iyo biyaha, horayna usoo noqday safiirka Soomaaliya ee Turkiga, wuxuuna u dhashay beesha Luwaay, Shariif Maxamed Cabdullaahi oo beesha Asharaaf kasoo jeeda, Xuseen Badni iyo Ibraahim Yarow Isaaq oo ka tirsan xildhibaanada hadda lasoo doortay.

Dhanka kale, Shariif Xasan ayaa kusoo hungoobay socdaalkii uu ku tegay magaalada Addis Ababa, isagoo dowladda Itoobiya u gudbiyay musharaxnimadiisa iyo siyaasaddaha qarsoon ee uu ka damacsan yahay doorashada la sugayo. Dowladda Itoobiya ayaa u deyrisay, waxayna u sheegtay in xiligaan aysan taageereynin musharaxnimadiisa waxayna u sheegtay in beesha Digil iyo Mirifle Madaxweyne noqon doonin xiligaan.

Maalinta Tallaadada soo socoto ayuu isugu yeeray Shariif Xasan dhamaan 77 xildhibaan ee labada aqal kasoo galay Koonfur Galbeed, wuxuuna shirka uu isugu yeeray oo ka dhici doona Baydhabo damacsan yahay in uu ka dhaadhiciyo qorshahiisa siyaasadeed ee huwan laba afleynta in Madaxweyne wax aan aheyn u cuntami doonin Digil iyo Mirifle.

Siyaasadda Shariif Xasan oo lagu tilmaamo inay taha mid macaash raadis ah, ayaa wuxuu gorgortan kula geli doonaa musharaxii uu u arko inuu natiijo ka keenayo doorashada madaxweyne, waxaana qorshahiisa qarsoon ee uu ku doonayo inuu afartaas xubnood ee uu wato ku bixin doonaa juhdi iyo dadaal badan sidii ay u noqon lahaayeen Guddoomiyaha baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News