29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Baydhabo oo caawa lagu soo afjaray Doorashada & Laba Xildhibaan oo la doortay (Magacyada)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online)-Waxaa Caawa magaalada Baydhabo lagu soo afmeeray Doorashada Aqalka Hoose ee BFS, kaasi oo waayadanba ka socday magaalada Baydhabo.

Doorashada maanta lasoo afmeeray ayaa waxa ay magaalada Baydhabo ka bilaabatay galabnimadii maanta, waxaana lagu doortay Labadii xubnood ee ugu dambeysay.

Doorashada ayaa waxaa kusoo baxay Xuseen Maxamed Sheekh oo helay 50 cod, halka Musharaxii la tartamaayay uu ku haray Doorashada.

Kursiga Labaad oo ay ku tartameen Xasan Macalin Xuseen iyo Xasan Xaaji Ibraahim ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Macalin Xuseen oo helay 40 cod.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in Doorashadii ka soctay magaalada Baydhabo soo idlaatay isla markaana maamulka Koonfur Galbeed uu noqonaayo maamulkii labaad oo soo gabagabeeyay Doorashada Aqalka Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News