25 C
Mogadishu
Monday, July 7, 2025

Dabageed oo qeylo dhaan ka soo saaray dagaalka uu Xawaadle keli ku noqday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, oo haatan maraya meel xasaasi ah.

Yuusuf Dabageed oo maanta Muqdisho uga qayb-galay aaska taliyihii guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga G/Sare Cabdiraxmaan Xujaale oo dhowaan askari ka tirsan ciidankiisa uu ku dilay furinta hore ayaa qaylo dhaan culus soo saaray, wuxuuna sheegay in dagaalka lagu fiirsady beesha uu kasoo jeedo Xawaadle iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay wada galaan dagaalka oo ay ballaariyaan furimaha lagala dirayo kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga hala garab istaago, dadka Soomaaliyeed ee dagaalka ku jira hala garab istaago, waxaan leeyahay dagaalka Soomaali ha gasho ama nimanka ku jiro halaga soo kaxeeyo,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Haddii aan dalkaan iyo dowladan iyo Diinkaan inaan difaacano rabo dadka Soomaaliyeed dagaalka ha galeen”.

Dagaalka ayaa hadda xoogiisa waxa uu ka socdaa gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana safka hore ka jooga Macawiisleyda Xawaadle oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay cashir lama ilawaan ah u dhigay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Shalay ayaa ugu dambeysay Al-Shabaabkii ugu badnaa ayaa lagu laayay dagaal culus oo ka dhacay soohdinta labada gobol, waxaana muuqaalo laga soo duubay meydadkooda oo daadsan dhulka howdka, dhiigooda oo meel kasta yaalla iyo godadkii ay qoteen oo laga saaray

Si kastaba, Dagaalka oo socday afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa maalinkii koowaad lagu dilay in ka badan 70 Shabaab ah, balse shalay ayaa uga sii darneyd oo si ka daran maalinkaas loo laayey kooxda, sida ay muujinayaan muuqaallada la baahiyay.

Waxaa kale oo loo daatay talisyadoodii oo dhiigga iyo meydadku is dhexyaallaan, waxaana loo gudbay dhanka Aadan-yabaal oo duleedkeeda aydifaac uga jiraan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News