25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

NISA oo dishay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa hoobiyeyaasha iyo 46 kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdishio (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa waxaa lagu faah-faahiyay howlgal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu khaarijiyay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, una qaabilsanaa weerarada hoobiyeyaasha ee Muqdisho.

NISA ma shaacin magaca sarkaalka, balse waxa ay tilmaamtay inuu kooxda ugu xilsaarnaa qorsheynta weerarradii hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay Muqdisho tan iyo, sanadkii 2023.

“Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen deegaanka Sabiid ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxa ay ku dileen Horjooge sare oo Khawaarijta u qaabilsanaa qorsheynta weerarradii Hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo, sanadkii 2023” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Hay’adda Nabad-sugidda.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka NISA oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa Horjoogahan ayaa Howlgalka fuliyay, kadib markii la hubiyay xogta ku saabsan Horjoogaha, iyada oo la xaqiijiyay in isla goobta lagu khaarijiyay dhammaan Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa”.

Sidoo kale Nisa ayaa sheegtay in lix howlgal kale oo dhacay shalay galab, illaa xalay, ayana fuliyeen ciidamadeeda lagu dilay 46 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad, waxayna tilmaamay in lagu beegsaday goob ay gabaadka dhiganayeen.

“Ilaa 6 howlgal oo duqeyn ah oo shalay galab ilaa xalay ay ciidanka NISA ka fuliyeen deegaanka Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan, ayaa lagu dilay 46 Khawaarij ah oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo lagu beegsaday goob ay gabbaad ka dhiganayeen” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

NISA ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sare u qaaday howlgallada qorsheysan ee ka dhaka ah kooxda Al-Shabaab, ayna ka go’an tahay ciribtirka maleeshiyaadka Khawaarijta.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa kor u qaadday howlgallada qorsheysan ee lagu beegsanayo Khawaarijta, xili Taliyaha guud ee Hay’adda uu ku sugan yahay deegaannada hawlgalladu ay ka socdaan” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo barbar socdaan duqeymo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageerayo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

- Advertisement -

Read more

Local News