25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda Aboorey

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan dagaal qaraar uu ka socdo deegaanka Aboorey oo hoostaga degmada Buulo-burde ee gobolkaasi, kadib markii ay halkaasi weerar ku qaadeen Macawiisleyda.

Ciidamada deegaanka oo laba jiho ka weeraray deegaanka ayaa beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey halkaas, waxaana kadib qarxay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka oo ah mid xooggan uu weli socdo, isla markaana ay maqlayaan hubka iyo rasaasta ay is waydaarsanayaan labada dhinac.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in ciidamada weerarka qaaday ay gudaha u galeen magaalada, ayna xabadda ka socoto gudaha deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka iyo dagaalka xigay, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, iyada oo labada dhinac ay helayaan ciidamo gurmadyo ah.

Aboorey ayaa ah deegaan muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, taas oo keentay in dagaalka ka scoda deegaankan oo qaato muddo aad u dheer.

Dagaalkan ayaa daba socdo, howlgallo culus oo maalmihii lasoo dhaafacay ciidamada Macawiisleyda Hiiraan ay ka wadeen xadka gobolkaas uu la wadaago Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo khasaaraha ugu badan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkii ugu khasaaraha badnaa oo shalay ka dhacay soohdinta labada gobol ayaa waxaa lagu laayay Al-Shabaabkii ugu badnaa, waxaana muuqaalo laga soo duubay meydadkooda oo daadsan dhulka howdka, dhiigooda oo meel kasta yaalla iyo godadkii ay qoteen oo laga saaray

Si kastaba, Dagaalka oo socday afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa maalinkii koowaad lagu dilay in ka badan 70 Shabaab ah, balse shalay ayaa uga sii darneyd oo si ka daran maalinkaas loo laayey kooxda, sida ay muujinayaan muuqaallada la baahiyay.

Waxaa kale oo loo daatay talisyadoodii oo dhiigga iyo meydadku is dhexyaallaan, waxaana loo gudbay dhanka Aadan-yabaal oo duleedkeeda aydifaac uga jiraan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News