26.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Xog: Imaaraadka iyo Xasan oo kala tegay, dagaal furan oo billowday + Waxa la isku qabtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu galay sannadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedka labaad, khilaafkii horey u qarsoonaa ee u dhexeeyay Villa Somalia iyo Imaaraadka Carabta ayaa haatan u baddalay dagaal siyaasadeed oo muuqda.

Imaaraadka Carabta—oo markii hore ahaa saaxiibkii ugu dhowaa Villa Somalia—ayaa hadda hoggaaminaya olole diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Xasan Sheekh, taasoo astaan u ah isbeddel siyaasadeed oo lama filaan ah.

Weerarkii Gordan: Meesha xiisaddu ka kacday

Khilaafka ayaa si cad u soo shaac baxay kadib weerarkii dhimashada lahaa ee bishii Febraayo 2024 lagu qaaday xerada General Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay afar sarkaal oo sare oo Imaaraad ah: Col. Maxamed Al Mansoori, Maxamed Al Shamsi, Khaliifa Al Balushi, iyo Suleyman Al Shehhi.

Inkastoo Imaaraadka uu weerarkaas ku tilmaamay “shil,” saameyntiisa diblomaasiyadeed waxay ahayd mid aad u culus. Abu Dhabi ayaa si degdeg ah u joojisay taageeradii milatari iyo maaliyadeed ee ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya—taasoo si weyn u saameysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada HirShabeelle iyo Galmudug.

Tani waxay dhacday iyadoo uu jiray heshiis iskaashi difaac oo labada dal kala saxiixdeen Janaayo 2023, iyo booqasho uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Imaaraadka si uu u muujiyo tacsidiisa. Hase yeeshee, booqashadaasi ma aysan dejin xiisadda. Imaaraadku wuxuu dib u bilaabista taageerada ku xiray in la sameeyo isbeddello siyaasadeed oo ballaaran.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Imaaraadka uu si cad u dalbaday in xilalka laga qaado mas’uuliyiin uu u arkay kuwo siyaasiyan ama fikir ahaan khilaafsan danihiisa. Kuwaas waxaa ka mid ahaa:

– Mahad Maxamed Salaad, taliyihii hore ee NISA
– Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale
– Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre
– Wasiirka waxbarashada Farax Sheekh Cabdulqaadir

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka ka qaaday Mahad Salaad iyo Yuusuf Jimcaale, Imaaraadku wuu diiday inuu dib u bilaabo taageeradiisii, isagoo dalbaday in dhammaan shuruudihiisa si buuxda loo fuliyo.

Villa Somalia, dhankeeda, waxay qaadatay mowqif ah in aan la oggolaan karin faragelin siyaasadeed oo noocaas ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la rumeysan yahay in uu aaminsan yahay in Imaaraadka laga rabo inuu marka hore joojiyo taageerada uu siiyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ah ee ka arrimiya Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni—oo dowladda dhexe u aragto inay yihiin haybaha siyaasadeed ee Imaaraadku ku dhisanayo saameyn gudaha ah.

Imaaraadka oo taageero siinaya mucaaradka gudaha

Markii Villa Somalia ay diiday dalabaadka Imaaraadka, Abu Dhabi waxay la timid xeelad cusub. Warar sir ah oo laga helay siyaasiyiin gudaha ah ayaa sheegaya in Imaaraadka uu si hoose u bilaabay maalgelinta siyaasadda mucaaradka ee Muqdisho, si uu cadaadis uga saaro Villa Somalia, iyadoo loo sii gogol xaarayo ololaha doorasho ee soo socda.

Laba ujeeddo ayaa la rumeysan yahay in ay hageyso faragelintan:

1- In Villa Somalia lagu qasbo aqoonsi siyaasadeed oo loo fidiyo hoggaamiyeyaasha gobollada ee uu Imaaraadku taageero

2- In la abuuro mucaarad hubeysan iyo mid siyaasadeed oo awood leh, si loo wiiqo maamulka hadda jira

Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa is abaabuleysa, iyadoo diyaarinaysa istiraatiijiyad siyaasadeed iyo amni si ay uga hortagto faragelinta Imaaraadka. Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

1– Dib u habeyn lagu sameeyay hoggaanka milatariga, iyadoo la beddelay saraakiil muddo dheer xilal hayay
2– Mahad Salaad oo dib loogu magacaabay NISA si uu u hoggaamiyo la-dagaallanka faragelinta dibadda
3– Xoojinta xiriirka lala leeyahay isbaheysiga Sacuudiga, gaar ahaan dalalka taageeraya xukuumadda kumeel gaarka ah ee Suudaan—taasoo fariin u ah Imaaraadka in Villa Somalia ay leedahay xulafo kale oo khaliijka ah

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay xuska saddex sano guuradii Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa si maldahan u tilmaamay saameyn dibadeed, isagoo yiri: “Xeelado siyaasadeed hore ayaa dib u soo ifbaxaya.”

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Imaaraadka uu bilaabay kulamo heer sare ah oo uu la leeyahay hogaamiyeyaal mucaarad ah oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka socda Puntland iyo Jubbaland. Waxaa socda dadaallo lagu dhisayo isbaheysi cusub oo kasoo horjeeda Villa Somalia, iyadoo la filayo shirar waaweyn oo ka dhaca Muqdisho toddobaadyada soo socda.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa uga digay arrintan in aysan ahayn kaliya cadaadis diblomaasiyadeed, balse ay tahay faragelin toos ah oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo hannaanka dowladda kahor inta aan la gaarin doorashada.

Khilaafkii qarsoonaa oo isu beddelay dagaaf

Khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa haatan isu rogay dagaal furan oo diblomaasiyadeed, iyadoo ay muuqato in labada dhinac midna uusan diyaar u ahayn in uu dib uga laabto mowqifkiisa. Inkasta oo aan si rasmi ah loo jebin xiriirka diblomaasiyadeed, haddana ficillada iyo hadallada labada dhinac ayaa si cad u muujinaya kala fogaansho aan la qarin karin.

Villa Somalia waxay aragtaa in Imaaraadku uu si toos ah u weerarayo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka, halka Abu Dhabi ay u aragto in Villa Somalia ka sii fogaaneyso saameynta ay horey ugu lahayd gudaha dalka.

Falanqeeyeyaasha arrimaha Geeska Afrika waxay ka digayaan in xaaladdu ay gaarto meel aan laga laaban karin. Marka la eego siyaasadda Soomaaliya, oo ah mid ku saleysan aragti iyo awood, waxaa marar badan la arkay in cidda bilaabta loollanka ay saameyn ku yeelato jihada uu khilaafku u socdo.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu wajahayaa go’aankii ugu culus: inuu sugto inta colaadda loogu keeno albaabka Villa Somalia, mise inuu isagu dagaalka si buuxda ugu furo garoonka.

- Advertisement -

Read more

Local News