25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Warar cusub oo kasoo kordhay dabkii maanta ka kacay Muqdisho + SAWIRRO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Taliska ciidanka booliska ayaa goordhor shir jaraa’id ku qabtay goob maanta barqadii dab xooggan uu ka kacay, kaasoo geestay khasaaro hantiyeed.

Taliyaha booliska, Gen: Cabdikariin Saacid ayaa sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay dabka oo ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla agagaarka isgoska KM4.

Wuxuu kaloo taliyaha uu tilmaamay in dabka uu baab’iyay hanti fara badan oo ay ku jiraan baabuur iyo hanti kale, taasoo taalay dhismooyin uu dabka ku faafay.

Dabka ayaa abaare 11:47 am ka kacay kalaalin shidaal, waxaaana uu ku faafay goobo ganacsi oo aad u fara badan.

Lama oga waxa dabka sababay, waxaaba damintiisa ka qayb qaatay baabuurta dab-damiska ee Maamulka Gobalka Banaadir, kuwa AMISOM, kuwa ay lee yihiin Turkiga iyo shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa goobta joogay intii uu dabka socday kuwaas badbaadiyay hanti fara badan oo la rabay in laga dhaco goobaha gubanayay.

dab 1dab 2dab 3dab 4

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News