27 C
Mogadishu
Sunday, July 13, 2025

DACWAD laga gudbiyay saddex xubin oo ka tirsan Damu-Jadiid + Magacyada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaare Cabdi Weli uu QM u gudbiyay magacyada seddex mas’uul oo ka tirsan kooxda Dam-Jadiid, oo uu ku eedeeyey inay caqabad ku yihiin hanaanka dowladnimo ee Somalia.

Xubnahaani ayaa waxaa kamid ah Faarax Cabdiqaadir, Cabdikarin Guuleed iyo Fahad Yaasiin, oo dhammaantood ku dhow madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdi Weli ayaa waxa uu seddexdaasi mas’uul ku eedeeyay inay ololinayaan khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Xssan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Cabdi Weli ayaa la sheegayaa in warqada dacwada uu ku lifaaqay in xubnahaasi kor ku xusan ay dhinac mareen heshiis hordhac ahaa oo dhex maray isaga iyo madaxweynaha, Jawaari iyo beesha caalamka, kaasi oo looga gudbi lahaa khilaafka, hayeeshe ay lugta ku dhufteen.

Dhanka kale, gudbinta magacyada xubnahaani ayaa waxa ay barbar soctaa liisas horay loogu gudbiyay qm oo ay ku qornaayen in ka badan 11-mas’uuliyiin u badnaa xildhibaanno ka tirsan BF Somalia, halka qaarna ay ahaayen kuwa la shaqeeya Xasan Sheekh oo uu Cabdi Weli ku eedeeyey inay qas wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News