27 C
Mogadishu
Sunday, July 13, 2025

XOG: ETHIOPIA oo ku biirtay qorshaha lagu ridayo Cabdi Weli (Maxaa cusub?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan uu Xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin iyo saraakiil dowladda Ethiopia u qaabilsan arrimaha Somalia.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta iyo saraakiishaasi ay dhowr jeer oo hore la kulmeen Madaxweynaha, balse kulankaani uu ahaa mid ka duwan kulamadii hore, waxa ayna Xogtu tibaaxeysaa in Xasan Sheekh ay u yabooheen taageero xooggan oo ku wajahan sidii loo ridi lahaa ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ethiopia ay Xasan Sheekh u yaboohday dhaqaale iyo taageero siyaasadeed, si loo rido Cabdi Weli, oo ka biyo diidan inuu iska casilo xilka uu Xukuumada u hayo.

Arrintaani ayaa waxa ay imaaneysaa, iyadoo R/W C/Weli uu mudooyinkaani dambe Khilaaf adag kala dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayna sidoo kale kasoo horjeedaan xildhibaanno badan.

R/W C/weli, ayaa dhankiisa dareen Siyaasadeed ka muujiyay guuxa Siyaasadeed oo ay Dowlada Ethiopia daaha gadaashiisa ka hageyso, waxaana la sheegaya inuu arrintaas kala hadlay Nicholas Kay, balse aan la ogeyn waxa uu ka qaban karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News