Dad ay ku jiraan 3 walaalo ah oo aano qabiil loogu laayey duleedka Muqdisho

Afgooye (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in shan qof oo rayid ah lagu dilay, mid kalena lagu dhaawacay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose, kuna yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Dad ku sugan Lafoole ayaa Caasimada Online u sheegay in shanta qof lagala degay gaariga ay saarnaayeen oo ahaa nooca raaxada.

Koox hubeesan, oo wejiga duubtay ayaa la sheegay inay joojiyeen gaariiga ay saarnaayeen shanta qof oo dhammaantood rag ahaa, kadibna kala degeen oo ay wada toogteen. Waxay fasaxeen darawalkii gaariga.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhacdadan ay la xiriirto aano qabiil oo u dhaxeysa laba beel oo wada dega Shabeellada Hoose, oo maalmahan dad iska dilayey.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saddex ka mid ah ragga la dilay ay ahaayeen walaalo.

Mukhtaar Nuur Geesey oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka Lafoole ayaa u sheegay Goobjoog in ay baxsadeen raggii dilkaasi fuliyey ayna ku raad joogaan.

Geesey ayaa sheegay in tani ay la xiriirto dagaal beeleed ka dhacay degma Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com