Shariif Xasan oo sameeyey arrin shaki badan dhalisay isagoo u baqaya amnigiisa

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Koonfur Galbeed, ayaa kulan degdeg ahaa iusgu yeeray la-taliyayaashiisa dhinaca amniga iyo xubno isaga ku dhow.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa looga wada xaajooday amniga Baydhabo iyo Ciidmaada faraha badan ee magaalka ku soo qul qulayay maalmihii u danbeeyay, Kuwaasoo qaarkood ay wataan Dadka kursiga kula loolamaya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa kulanka kaidb qaaday tilaabo ay aad ula yaabeen Shacabka iyo Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo, taasoo dadka qaarba ay u fasirteen iney soo dadajineyso shakiga la xiriira in Shariifka ku soo bixi waayo doorashada.

Shariifka, ayaa shaqada ka eryay dhamaan askarta iyo saraakiisha ilaalada ka heysay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Dadka ku dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, ayaa sheegaya in arintan la xirirto kala shaki soo kala dhex galay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ilaaladiisa, maadaama uu ka soo hor jeedsaday Taliyihii booliska Koonfur Galbeed iyo Saraakiil kale.

Xubnaha la hadlay Caasimada Online, ayaa sidoo kale ku waramaya in Shariif Xasan uu u cabsaday amaankiisa, Isagoo maalmahanba ku cataabayay erayo ku aadan suura galnimada in la bartilmaameedsado, Taasoo ay aad ula yaabay dadka la jooga.

Ciidamada iyo Saraakiisha laga saaray Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la geeyay xero ku taala gudaha Baydhabo, kuwaasoo loo sheegay iney meesha ku xareysnaadaan inta dib looga yeerayo.

Ciidamada iyo saraakiisha la wareegay amaanka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa badankood ah dadka ku heyb/Qabiil ah Shariifka, Kuwaasoo joojiyay dhaq dhaqaaqii badnaa ee ka jiray Madaxtooyada.

Ciidamadan, ayaa sidoo kale albaabka Madaxtooyada ka celiyay Saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano la balan sanaa Shariif Xasan, Kuwaasoo loo sheegay in aqoon buuran aan loo leheyn, Isbadal dhinaca amniga ahna uu ka dhacay Madaxtooyada.

Shariif Xasan, ayaa fahansan in wax walba isbadali karaan maalmahan yar ee ka harsan doorahsada, Isagoo shaki ka muujiyay in ilaaladiisii hore loo soo maro, Kuwaasoo xanibi kara howlaha uu ka hayay gudaha Madaxtooyada, maadaama aan cidi soo geli karin.

Lama oga sida uu xaal noqon doono maalmahan, waxaase maalinba maalinta ka danbeysa cirka sii galaya walaaca Shariif Xasan Sheekh Aadan ee la xiriirta inuu dib ugu soo laabto kursiga uu isaga fadhiyay sanadaha dheer ee aanu  wax badanna ku qaban.

Baydhabo, ayaa marti galineysa bisha danbe 17-keeda doorashada Madaxweynaha, Waxaana wax soo dooranaya Xildhibaanada Koonfur Galbeed, kuwaasoo codadkooda siinaya Musharaxa ay ka dhex xulanayaan ku dhowaad 10-ka Musharax ee kursiga u loolamaya.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com