Dad badan oo ku dhintay dagaal beeleed ka socda gobolka GALGADUUD

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saaka dagaal beeleed xoogan uu dib uga qarxay waqooyiga gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi.

Dagaalka oo illaa iyo hadda socda ayaa ka qarxay deegaan u dhexeeya magaalooyinka Caabduwaaq iyo Xeraale ee gobolkaasi, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan, waxaana ku dhintay dad aad u badan oo isugu jiro labad dhinac iyo dad shacab ah.

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen dhowr iyo toban kale, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Maleeshiyaadka dagaalamayaa ayaa sidoo kale haystay gaadiid dagaal, waxayna dhinacyadu helayaan gurmad, taas oo uga sii dareysa xaaladda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo ku aadan dagaalka dib uga qarxay waqooyiga gobolka Galgaduud.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe.

Waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka