Xog: Kooxda Al-Shabaab oo afduubatay 20 ka mid ah culimada Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubatay ku dhawaad 20 ka mid ah culumada Suufiyada ee Ahlu-Sunna Waljameeca, halka culimo kale oo aad u badan ay si dirqi ah uga badbaadeen afduubkaas, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Arrintaan waxay ka dhacday deegaanka Laantabuuro ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo culimada la afduubtay ay ku dhigayeen sayaarada Shiiqoodii diinta soo baray oo geeriyooday.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, culimada ay Shabaab Afduubteen ayaa ka kala timid Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, sida Bay, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose qeybo kamid ah, waxayna halkaas ku dhigayeen siyaaro ay sanad kasta isugu yimaadaan.

Afduubkaan wuxuu dhacay subaxnimadii hore ee Jimcaha, culimada oo habeenkii ku dhafartay Alle bari, quraan akhris iyo digri ayaa la soo weeraray markii ay tukadeen salaada subax, waxaana halkaas cagahooda uga baxsatay culimada badan.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qiyaastii 20 ka mid ah culimada oo carari waayey ay gacanta u galeen kooxda Al-Shabaab oo halkaas ka kaxdysatay, lana aaday dhulka howdka ah.

Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah ee aan ka heleyno afduubka culimada, Al-Shabaab waxay la aadeen dhanka deegaanka Jilib-Marka, halkaas oo kooxdu ay saldhigyo ku leedahay.

Xaalad jaho wareer ah ayey abuurtay arrintaan, waxaana laga cabsi qabaa in Shabaab ay laayaan culimadaan ka tirsan dariiqada Ahlu-Sunna, maadaama ay isku hayaan caqiido ahaan.

Iyadoo kooxda Al-Shabaab ay dil ugu xukuman tahay qof kasta oo aan ku aragti aheyn, hadana markii la eego culimada Ahlu-Sunna ayey ugu necebyihiin umadda, maadaama ay yihiin raggii markii ugu horeysay la dagaalay oo farta ku fiiqay fidnada ka soo socota Shabaab-ka.