Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa tababar heer sare ugu soo xiray ciidan cusub dugsiga tababarka ciidanka Darawiishta Jubbaland ee Akadeemiyo.
Guutada Birjeex ee ciidamada Darawiishta Jubbaland oo mudooyinkii u dambeeyay uu tababar u socday ayaa diyaar u ah howl-galo ay dhawaan ciidamada Jubaland bilaabayaan oo lagu cirib-tirayo Khawaariijta, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka.
Axmed Madoobe u mahad-celiyay sarakiisha iyo askarta tababarka dhamaystay iyo sidoo kale macalimiinta dugsiga tababarka dadaalkii ay ku bixiyeen sidii ay usoo saari lahayeen ciidamo jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u ah xoraynta dalkooda.
Waxaa madaxweynahu uu sheegay in howl-galada dhawaan bilaabanaya ay ciidankan laf dhabar u yihiin isla markana guulo wax ku ool ah ay keeni doonan.
Sidoo kale waxaa ciidankan tababarka loo soo xiray lala soo bandhigay hub culus, kaasi oo ay u adeegsan doonaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka bilaabanaya maamulkaasi.
Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa isla shalay xariga ka jaray wajiga koobaad ee dhismaha Isbitaalka ciidanka Jubbaland.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Isbitaalka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayay wasiirka caafimaadka Eng Ismaaciil Garas, wasiir ku-xigeenka amniga gudaha Aadan Xaaji, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, saraakiisha ciidamada kala duwan iyo qaar kamida howl-wadeenada Isbitaalka ka howlgali doona.
Isbitaalkan ayaa si guud ugu wada shaqayn doona dhammaan ciidamada kala duwan iyadoo lagu samayn doono qaliinada kala duwan iyo daaweeyntooda isla markana laga heli doono dhammaan qalabka muhiimka u ah adeegyada caafimaadka.
Axmed Madoobe ayaa ballan-qaaday in isbitaalkan la balaadhin doono isla markana qeybo cusub lagu kordhin doono iyadoo dhakhatiir cusub oo tayo leh lagu soo kordhin doono.
Waxaa uu intaas ku daray hoggaamiyaha Jubbaland in sababta loo sameeyay Isbitaalkan ay tahay in ciidamada ay helaan daryeel gaar ah oo lagaga kaaftoomo in la geeyo Isbitaalada dadweynaha loogu adeego.