24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Dad carreysan oo gubay dabaqii lagu kufsaday, laguna dilay Xamdi Maxamed Faarax

Bookmark
Bookmarked

Share

Mudisho (Caasimada Online) – Boqolaal dadweyne ah oo ka careysnaa falkii arxan darrada ah ee lagula kacay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa maanta dibad-bax ka dhigay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan Waabari.

Dadkan oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa isugu tegay afaafka hore dhismaha dabaqii lagu kufsaday, laguna dilay marxuumadda, iyaga oo dab qabad-siiyey.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dalbanayaan cadaalad, si maxkamad loo soo taago raggii ka dambeeyay falkaasi.

Sidoo kale waxay ku baaqeen in si deg-deg ah ay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga ay jawaab uga bixiyaan dhacdadaasi argagaxa badan reebtay.

Allaha u naxariisee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd ayaa sanadkan ka qalin-jabisay mid ka mid ah dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.

Dilkeeda oo ay fuliyeen rag ma-naxayaal ah ayaa Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Waabari ee G/Banaadir, iyaga oo kufsi u geystay, kadibna ka soo tuuray dhisme dabaq ah.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60