Dad carreysan oo gubay dabaqii lagu kufsaday, laguna dilay Xamdi Maxamed Faarax

Mudisho (Caasimada Online) – Boqolaal dadweyne ah oo ka careysnaa falkii arxan darrada ah ee lagula kacay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa maanta dibad-bax ka dhigay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan Waabari.

Dadkan oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa isugu tegay afaafka hore dhismaha dabaqii lagu kufsaday, laguna dilay marxuumadda, iyaga oo dab qabad-siiyey.

Sidoo kale qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay dalbanayaan cadaalad, si maxkamad loo soo taago raggii ka dambeeyay falkaasi.

Sidoo kale waxay ku baaqeen in si deg-deg ah ay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga ay jawaab uga bixiyaan dhacdadaasi argagaxa badan reebtay.

Allaha u naxariisee marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd ayaa sanadkan ka qalin-jabisay mid ka mid ah dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.

Dilkeeda oo ay fuliyeen rag ma-naxayaal ah ayaa Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Waabari ee G/Banaadir, iyaga oo kufsi u geystay, kadibna ka soo tuuray dhisme dabaq ah.