Dad ka yimid ITOOBIYA oo shirka Galmudug buuq ka abuuray + Arrin la isku hayo

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah beelaha degga Galmudug ayaa waxaa la sheegay in lagu gacan bidixiyeeyay shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, ee ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Guddoonka Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaa shalay u yeeray qaar ka mid ah beelaha, si loo xaliyo cabasho la sheegay in ay qabaan. Beelahan loo yeeray ayaa kala ahaa Saleebaan, Waceysle, Shiikhaal iyo Beesha Shanaad.

Madashii la doonayay in lagu xaliyo beelahan ayuu buuq ka dhashay, ka dib markii ay madasha soo fariisteen xubno la sheegay in ay ka yimaadeen Deegaanada Soomaalida Itoobiya, kuwaa oo ku andacoonaya qaar ka mid ah Beesha Shanaad inaanay degin Galmudug.

Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale oo ka mid ahaa saxiixe-yaasha Galmudugtii 2015 lagu soo dhisay Magaalada Cadaado ayaa beeniyay warka ka soo yeeray kooxda la sheegay in ay ka timid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Nimankan ka yimid Kilinka Shanaad ee Itoobiya waxay doodoodu tahay in beelo ay ka mid tahay Beesha Guuleed Cadde/Beesha Shanaad aanay degin Galmudug. War adeer warkaasi war soconayo maaha, war jirana maaha. Beesha Guuleed Cadde iyo beelaha kalaba waxay ka mid yihiin beelaha degga Galmudug.” Ayuu yiri Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale.

Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale oo la hadlayay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Guuleed Cadde waxay deggaan Galgaduud, Kulbeer waxay deggaan Mudug, Tumaalo iyo Carab Saalax intaba waxay ka mid yihiin beelaha degga Galmudug.”

Ugaas Xaashi Ugaas Jimcaale ayaa Guddoonka Shirweynaha Dhuusamareeb ugu baaqay in ay wax ka qabtaan gacan bidixeenta uu sheegay in lagu hayo qaar ka mid ah beelaha degga Galmudug.

Waxa uu intaa ku daray haddii aan arrintan wax laga qaban ay waxba kama jiraan noqon doonto waxa ka soo baxa shirweynaha dib u heshiisiinta ee beelaha Galmudug uga soconaya Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Cabashadan ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Dowladda Somaliya ay juhdi ku bixineyso, sidii ay dib u heshiisiin u dhex dhigi laheyd beelaha ballaaran ee deegaanka ku ah Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com