Taageerayaasha R/W Saacid iyo Suxfiyiin lagu xiray Laascaanood.

Ciidamada booliska Somaliland ee ku sugan magalada Laascaanood ayaa saaka xabsiga dhigay weriyihii telefishinka caalamiga ah ee Universal uga soo warami jiray magalada Laascaanood Axmed Saakin Faarax.

Weriyaha ayaa waxaa qabtay ciidamo booliis ah isagoo ku guda jira hawl-maalmeedkiisa shaqo ilaa iyo hadda ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambaysay xadhiga wariyaha,waxaase ilo ku dhow dhow booliska ay sheegen in xadhiga wariyaha lala xidhiidhinayo war shalay ka baxay Tv-yadda afsoomaaliga ku hadla qaarkood oo uu ka mid yahay Tv-ga Caalamiga ah ee Universal iyadoo warkaas oo laga soo diray magalada Buuhoodle oo ku saabsanaa haween reer Laascaanood ah oo qabtay kulan ay ku taageerayeen raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa xalay fiidkii la xidhay 3 wariye oo kale oo lagu kala magacaabo Maxamed Shaqale, C/kariim Olol oo wakiilka Somalichannel Tv iyo Faysal Jaamac Aadan oo ka tirsan Idaacadda Bar-kulan kuwaas oo ka mid ah wariyayasha ka hawlgala magalada Laascaanood iyo raxan ka mid ah haweenkii taageerada u muujiyey raysal wasaaraha cusub ee Somalia.

Xadhiga wariyayasha ku sugan magalada Laascaanod ayaa waxaa uu noqday mid joogta ah kuwaas oo si aan sharciga waafaqsanayn lagu xidho, waxaana lagu tilmaamaa magalaa Laascaanood inay ka mid tahay meelaha ugu badan ee tacadiga iyo cabudhinta xoogan lagu hayo saxaafadda madaxabanaan.

Dhinaca kale Ciidamada Maamulka Somaliland ee jooga Degmada Laascaanood  ee Gobolka Sool ayaa maanta Xabsiga dhigay dad dhigayay dibadbaxyo lagu taageerayo Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Dadkaan la xiray ayaa tiradooda waxaa lagu qiyaasay 15 ruux oo ah reer Laascaanood lakiin tirada dibadbaxyada dhigay intaa waa ay ka badnaayeen  balse  waa ay baxsadeen.

Isusoobaxaan geesinimada lahaa ayaa waxaa uu ahaa mid ay dadka shacabka ku taageersan yihiin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Ujeedada loo xiray dadkaan 15 ka ah oo ay jirdileen Ciidamada ayaa waxaa ay tahay sababta ay ku taageerayaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Somaliland ayaa ah Maamul doonaya Aqoonsi lakiin wali aan helin balse waxaa ay isku dayaan inaysan Faraha la gelin Siyaasada Dowlada Soomaaliya.

Xukunka dadkaan taageeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaanan la ogayn sida uu  Noqon doono.

Maxamed Cumar, Laascaanood