Mesut Ozli: Xiriir fiican ayaa igala dhexeeya Jose Mourinho, mana jiraan wax kale.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Mesut Ozil ayaa ka dhawaajiyey inuu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo tababarihiisa Jose Mourinho, iyadoo ay wayadaan soo badanayeen warar ku saabsan khilaaf kala dhexeeya ninka reer Portugal.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Germany ayaa halgan u galay booskiisa xilli ciyaareedkaan cusub ee 2012-13, iyadoo lala xiriirinaayey khilaaf adag oo kala dhexeeya Mourinho ka dib markii uu lumiyey booskiisa bilowga garoonka.

Si kastaba, Ozil ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii garoonka lagu soo bilaabay kulankii barbaraha 2-2 ah ay Real la gashay Barcelona wuxuuna daaha ka qaaday inaysan wax dhibaato ah kala dhexeyn tababarihii hore ee Inter.

“Mourinho wuu ogyahay wax aan sameyn karo wuxuuna I aamisan yahay. Waan ku farax sanahay inaan helo kalsoonidiisa uu ii muujiyey,” ayuu yiri Ozil oo la hadlaayey Kicker.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa sheegay iinuu ku farax sanahay nolosha magaalada Madrid.

“Markii aad socoto geesaha wadooyinka Madrid waa mid aan caadi aheyn. Taageerayaashu waa kuwo cajiib ah. Waxay ii muujiyeen dareenkooda waana ku farax sanahay.

“Hadawa dhulka ku xeeran marka aad ka ciyaareyso Santiago Bernabeu waa mid special ah. Waan la cajabay.”