Manchester United oo wada hadallo qandaraas cusub ah la furi doonta Tom Cleverley.

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay Tom Cleverley usoo bandhigto heshiis cusub oo loogu laba jibaari doono mushaarka uu ka qaato Old Trafford ka dib markii uu ciyaaro fiican soo bandhigay 12-kii bilood ee lasoo dhaafay, sida uu qoray wargeyska The Mirror.

Ka dib markii uu waayo usoo joogay amaah, Cleverley ayey qabteen indhuhu isagoo ka mid ah kooxda koowaad sanadii lasoo dhaafay.

Dhaawac soo gaaray ayaa hoos u dhigay tayadiisa ciyaaryahanka qadka dhexe ayaana dhaawacaas darti u lumiyey booskiisa xulka England ee tababare Roy Hodgson ciyaarihii Euro 2012.

Hada ayuu u ciyaarayaa xulka Hodgson ee Three Lions, United ayaana u aragta mustaqbalka Cleverley inuu yahay mid laga faa’iideysto iyadoo ay qorsheyneyso inay la gaaraan heshiis waqti dheer ah.

Cleverley ayaa isbuucii United ka qaata 40 kun oo ginni, wuuxuuna ka dhigan yahay heshiis cusubi in Sir Alex Ferguson uu ninka qadka dhexe u arkay bedelka 37 jirka ku gaamuray kooxda Paul Scholes, kaasoo la sheegayo inuu waqti dhow ka fariisan doono ciyaaraha.