Gonzalo Higuain: Fursad gaar ah ayey ii tahay inaan la ciyaaro Lionel Messi.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Gonzalo Higuain ayaa u arka fursad gaar ah inuu xulkiisa Argentina waqti dheer kula ciyaaro xidiga Barcelona Lionel Messi.

Higuain ayaa amaanay ninka ay isku dalka kaso jeedaan, wuxuuna maanka ku hayaa in daafacyadu aysan tabar u laheyn inay celiyaan Messi marka ay kubadu ku jirto lugtiisa.

“Waxaan ahay weeraryahan waxaana heystaa fursad aan kula ciyaaro Messi. Fursad gaaar ah ayey Ii tahay inaan waqti dheer garoonka kula jiro isaga,” ayuu Higuain u sheegay saxaafada.

“Waqti walba oo uu kubada helo waxaad u baahan tahay fursad sababtoo ah waad ogtahay inuu waqti walba kusiin karo kubad wanaagsan ayna kubadu kaaga imaan karto meel walba.

“Wuxuu odorosaa wax aysan weeraryahanadu maleeyn Karin daafacyaduna ma awoodaan. Waan garanayaa sida ay u ciyaaraan Lionel Messi, Angel Di Maria iyo Sergio Aguero.”