Maxay tahay sababta ay qaar ka mid ah dadka IRAN ugu dabaal degeen geerida Raisi?

Tehran (Caasimada Online) – Dad badan oo u dhashay dalka Iran oo ka soo horjeeda maamulka Jamhuuriyadda Islaamiga ayaa u dabaaldegay geerida madaxweynihii dalkaas Ibraahiim Raisi, dabaaldegaas ayaa is qabsaday gudaha dalka, dibadda iyo baraha bulshada.

Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay shucuubta caalamka, maadaama dadkii la filayey inay ka naxaan madaxweynahooda shilka ku dhintay ay bilaabeen dabaal-degyo waaweyn oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin shilkaas iyo geerida madaxweyne Ibraahim Raisi.

Mucaaradka Iran ayaa sheegay in madaxweynaha geeriyooday uu amray in la laayo maxaabiis siyaasadeed oo tira-badan sanadkii 1988-kii, tallaabadaas oo noqotay mid ay iloobi waayeen dadka Iran.

Sidoo kale dadka farxadda muujinaya ee reer Iran waxay sheegeen in madaxweynaha geeriyooday uu u adeegsan jiray awoodiisa madaxweyne, si loo caburiyo dhaq-dhaqaaqa shacabka Iran.

Gabood-falada ay shacabku iloobi waayeen ee madaxweynahoodii ay kala kulmeen waxaa ka mid ah awoodii ay dowladdu adegsatay banaanbaxyadii lagu dalbanayey xuquuqda haweenka, kuwaas oo dalka Iran ka qarxay sanadkii 2022-kii.

Waxaa la baahiyey sawirrada iyo muuqaalada dadka ku farxay geerida madaxweynihii Iran oo wadaagaya macmacaan iyo waxyaabo kale oo ay ku muujinayaan farxadda ay dareemayaan.

Magaalooyinka waaweyn ee qaaradda Yurub safaaradaha ay ku leedahay Iran, afaafkooda hore waxaa Isniintii ka bilowday xaflado ay dhigayaan mucaaradka Iran ee dalkooda dibad jooga ka ahaa, kuwaas oo ku farxay geerida madaxweynihii dalkooda oo caburin adag ay kala kulmi jireen.

Adduunka oo dhan waxaa is qabsaday muuqaalada iyo hadallo jees jees ah oo loo jeedinayo madaxweynaha geeriyooday ee Iran, kuwaas oo ay baahinayaan dadkii dalkooda Iran uga cararay xukunkii adkaa ee Madaxweyne Raisi, kuwo weli ku nool gudaha dalkaas iyo dad u dhashay dalal kale, balse necbaa xukunka Iran.

Sanadkii 2020-kii markii la dilay taliyihii ugu sareeyey ciidamada Iran Qaasin Suleybaani ayaa sidaan oo kale waxay mucaaradku ugu dabaal-degeen khaarajintiisa, taas oo la yaab ku noqotay dunida, balse muujineysa sida loo caburiyey dadka reer Iran.

Dhankooda, Hogaamiyayaasha Islaamiga ah ee Iran ayaa u fadhiya shan maalmood oo baroodiiq ah oo loogu tacsiyaynayo Madaxweynihii Iran Ebrahim Raisi oo shil diyaaradeed ku dhintay Axaddii, waxaana la dhintay wasiirkiisii arrimaha dibadda iyo masuuliyiin kale.