Xog: Turkiga oo Soomaaliya dhul ka siinaya Ankara, $6 milyan ugu dhisaya safaarad

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa lagu wadaa in uu Soomaaliya u dhiso safaarad iyo dhul uu ku kacayo lacag lagu qiyaasay in ka badan $6 Milyan, sida ku cad heshiis loo gudbiyay baarlamaanka Turkiga Isniintii shalay.

Sida ku cad heshiiskii Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2022-kii, Ankara waxay ku gudeysaa tallaabadaan dhul ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday Turkiga 2015-kii, kaas oo ku yaalla xeebta badweynta Hindiya ee Muqdisho.

Dhulkii ay dowladda Soomaaliya siisay Turkiga waxaa laga dhisay safaaradda ugu weyn caalamka, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in safaaradda Turkiga ee Muqdisho lagu dhisay lacag dhan $65 Milyan.

Soomaaliya waxaa Ankara laga siinayaa 3 markii loo dhigo 2 meel dhul la eg kii Turkiga ay ka siisay Muqdisho. Turkiga ayaa qorsheynaya in dhulka uu siinayo Soomaaliya uu ka dhiso safaarad weyn, wuxuuna heshiiskaan u ogolaanayaa Soomaaliya inay mustaqbalka iibiso dhulka iyo dhismayaasha haddii ay rabto.

Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta Turkiga u sheegay in dhulka ay dowladda Soomaaliya Muqdisho ka siisay Turkiga uu wax badan ka weyn yahay dhulka hadda Soomaaliya laga siinayo caasimadda Turkiga ee Ankara, balse dowladda Soomaaliya ayaa macaasheysa dhismaha dhulkaas oo ugu yaraan 6 milyan oo dollarka Mareykanka ah ay ku baxeyso.

Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii waxay si weyn u maalgalineysay Soomaaliya, iyadoo ku bixisay in ka badan $1 bilyan oo gargaar bini’aadantinimo ah, taasi oo wax looga qabtay abaaro dad badan ay ku dhinteen oo sanado kala dambeeyey ku dhuftay Soomaaliya.

Turkiga ayaa hadda awood ciidan oo xoog leh ku leh Soomaaliya, waxaana shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ay maamulaan garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Muqdisho, kuwaas oo heshiisyo kula jira dowladda Soomaaliya.

Turkiga waxa uu tababaray in ka badan 10,000 oo askari oo Soomaali ah, una dhiganta saddex meelood meel ka mid ah ciidamada Soomaaliya, saldhig militeri oo lagu tababaro ciidamada xoogga Soomaaliya ayuu Turkigu ku leeyahay koonfurta Muqdisho, halka diyaaradaha dagaalka ee dowladda Turkiga ay ciidamada Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa ku dhawaad ​​$30 Milyan sanad kasta ku biirisa miisaaniyada Soomaaliya, halka sanadkii 2020-kii, uu Turkigu ka bixiyey Soomaaliya dayn dhan $3.4 Milyan oo hey’adda lacagta adduunka ee IMF ay ku laheyd.

Bishii Febraayo ee sanadkaan Turkiga iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis dhameystiran oo difaaca iyo iskaashi dhaqaale ah, kaas oo faraya in Turkiga uu biyaha Soomaaliya ka difaaco argagixisada, burcad-badeedda iyo khataraha dibadda, 10-ka sano ee soo socda.

Bishii Maarso, waxay labada dal mar kale kala saxiixdeen heshiis sahamin iyo qodis shidaal ah, sidoo kale heshiiska waxaa qeyb ka ah sahmin dhameystiran oo dhulka Soomaaliya uu Turkigu ku sameynayo.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa isha lagu hayay markii wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii November shil gaari ku dilay nin Turkish ah, shilkaas ayaa ka dhacay magaalada Istanbul, xilligaas oo Maxamed Xasan Sheekh uu watay gaari ay leedahay safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Wiilka madaxweynaha oo markii hore ka baxsaday dalkaas ayaa dib ugu noqday dalka Turkiga, isagoo hortegay maxkamadda, waxaana lagu xukumay xabsi labo sano bar ah, kaas oo markii dambe u uku iibsaday lacag dhan $900 oo ganaax ah.