Dadka iska dhiiba Denmark oo hadda kadib loo wareejinayo dal ku yaalla Bariga Afrika

Copenhagen (Caasimada Online) – Denmark ayaa kula heshiisay Rwanda in horey loo dhaqaajiyo hanaan muran badan dhaliyey, oo dadka magan-galyo doonka ah ee iska dhiiba Denmark loogu soo wareejinayo dalka ku yaalla Bariga Afrika, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.

Labada dal ayaa wada saxiixay bayaan wadajir ah oo iskaashi oo ay ku shaaciyeen “inay darsayaan barnaamij dadka magan-galyo doonka ah ee imanaya Denmark loogu soo dhoofinayo Rwanda, si ayaga oo halkaas jooga loo eego codsigooda magan-galyo.”

Waxaa barnaamijka qeyb ka ah “ikhtiyaar dadkan si rasmi ah dib u dejin loogu sameynayo Rwanda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan heshiis gaarnay… waa hamigeena inaan aas-aasno nidaam dadka magan-galyo doonka ah looga soo wareejinayo Denmark oo lagu keenayo Rwanda,” waxaa sidaas tiri wasiirka socdaalka iyo is-dhexgalka Denmark, Kaare Dybvad Bek oo bayaan ay soo saartay ay baahisay wasaaradda arrimaha dibedda.

Bishii June 2021, Denmark oo leh mid ka mid sharciyada ugu adag ee soo-galootiga, ayaa ansixisay sharci ay xarumo lagu soo dhoweeyo magan-galyo doonka uga fureyso meelo ka baxsan Yurub, halkaasi oo ay ku noolaan doonaan illaa codsiyadooda laga eegayo. 

Dadka magan-galyo doonka ah ayaa weli ku qasbanaan doona inay codsiyadooda si shakhsi ah uga gudbiyaan xuduudaha Denmark kadibna waxaa loo soo dhoofin doonaa xarumaha soo dhoweynta ee dalal kale.

Dowladda Denmark ayaa sheegtay inay wadahadallo kula jirtay dalal dhowr ah, hase yeeshee Rwanda ayaa illaa hadda ah dalka kaliya ee qorshahan fulintiisa lagula heshiiyey.

Markii la ansixiyey sharciga Denmark, Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in qorshaha Denmark uu xadgudub ku yahay xeerarka magan-galyo doonka ee u degsan Midowga Yurub.

Denmark iyo Rwanda ayaa war-saxaafadeedka ay soo saareen ku sheegay “in nidaamka soo-galootiga ee hadda ka jira caalamka uu yahay mid isku dhex yaacsan loona baahan yahay mid cusub.”

Denmark ayaa caasimadda Rwanda ee Kigali ka furi doonta xafiis fuliya mashruucan oo ay maamulaan laba diblomaasi. 

Dowladda UK ayaa sidoo kale horey ugu dhowaaqday siyaasad muran dhalisay oo dadka magan-galyo doonka ah loogu dhoofinayo Rwanda, hase yeeshee dib ay ka hakisay xilli lagala horyimid loolan sharci.