Dadka la nool cudurka AIDS-ka ee Somalia oo war cusub laga soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya dadka la nool cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka eek u sugan dalka Soomaaliya.

Maxamed Saciid waa nin la nool cudurkan in ka badan 13-sanno, wuxuu hadda u ololeeyaa dadka qaba cudurkan dilaaga ee AIDS-ka, wuxuu BBC-da uga warbixiyay bal xaalada ay ku sugan dadka qababa ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Wuxuu sheegay inta la ogyahay ee qaadata dawada kaalmeynta cudurkan ee ku nool koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ay gaarayaan ilaa 650 qof.

Wuxuu sheegay dadkaas qaar badan oo uu isaga ka mid yahay ay ka yimaadeen waddamada shisheeye balse wax kasta ay aamineen in uu alle ku ridi karo.

Mar uu ka hadlaayay dadkaas qaba xanuunka sidda ay bulshada ula dhaqmaan, wuxuu sheegay in bulshadda ay kala kulmaan takoorid iyo in ay u arkaan dad aad u xun.

Mar la weydiiyay xarumaha lagu xanaaneeyo dadka qaba cudurka AIDS-ka wuxuu sheegay in seddax xarumood ay ku yaalaan

Ninkan ayaa sheegay in uu seddax xarumood oo bixiya dawooyinka kaalmeenta ay ku yaalla Muqdisho iyo Marka.

Si kastaba, dadka indho-indheeya arrimahan aya sheegaya in ay soo kordhayaan dadka qaba cudurka Aids-ka Soomaaliya, waxaa kaloo in la xuso mudan inay jiraan dad kale oo qaba cudurkan oo ku nool Somaliland iyo Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com