MUQDISHO oo aan mar dambe loo soo magacaabi doonin DUQ MAGAALO !!!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa shaaca ka qaaday in wixii hadda ka dambeeya aan Muqdisho loo soo magacaabin doonin duq magaalo iyo guddoomiye gobol midna.

Muungaab waxa uu sheegay in maamulkiisu uu bilaabay diyaarinta in sidii maamulada heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Banaadir u noqon lahaayeen kuwo la soo doortay sanadka 2016, oo aanay mar dambe dhici doonin shaqsiyaad lasoo magacaabo.

Guddoomiye Mungaab ayaa sheegay in isaga laftiisa uu rajeynayo in xilka uu ku warejiyo duq magaalo oo la soo doortay sanadka 2016, xilligaasi oo la rajeynayo in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho guud.

“Waxaan hadda ka shaqeynaynaa waa sidii doorasho ay u dhici lahayd 2016, oo aniga uu xilka igala wareego duq magaalo oo la soo doortay,” ayuu yiri Xasan Mungaab oo ka hadlay kulan tababar loogu soo xirayey guddoomiyaasha cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir.

“Annagu ma nihin dad raba inay toban sano meesha fadhiyaan,” ayuu sii raaciyey.

Muungaab oo ka hadlay sida ay ku yimaadeen maamulada hadda jooga ee xilka haya ee ka hawlgala 17 degmo ee magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in labo arrimood ay u fiiriyeen.

“Waxaan ku soo xulnay ragga hadda jooga inay yihiin dad dhalinyaro oo aqoonyahano ah isla markaana ka fayow wixii dhibaato iyo dagaalo sokeeye ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho,” ayuu yiri.

Dhinaca kale duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labada arrimood ee kala ah amaanka iyo nadaafada magaalaa ay tahay ahmiyada koowaad ee maamulkiisa oo hadda shaqeynaya mudo shan bilood ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com