“DF Somalia oo qiyaantay Somaliland”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay BBC ayaa madaxda DF ku eedeeyay qiyaano iyo inay dhankooda ka cago jiidayaan fulinta heshiiskiis sanad ka hor la gaaray kaasoo ay ku jireen in la sameeyo qorshe cad oo saddexdii bilood-ba mar la kulmayo, in hawadda Somali laga wada hadlo iyaadoona ay QM mamusho hada hawadda.

Biixi oo hadlaya ayaa yiri “Somaliland diyaar ayay u tahay in la fuliyo dhammaan heshiisyadii lagu kala saxiixday Turkig, hase yeeshee waxaa mooddaa in Somalia ay si gurracan wax u waddo oo ay dhankeeda wax ka socon la’yihiin, waxyan qiyaameynayaan Somaliland”.

“Waxaan arganaa in DF ay wada-hadalka daacad ka ahayn, oo ay qiyaantay Somaliland” ayuu yiri.

Eeda ku saabsan in dhanka DF uu ka dhaqan gali waayay heshiiskii ay la gashay Somaliland wali kama aysan jawaabin madaxda DF, iyadoona dadka la socda arrimaha wada hadalka DF iyo Somaliland ay sheegayaan in dhanka madaxda Villa Somalia ay kasoo bixi waayeen qodobadii ay dhankooda ka saxiixeen.

Somaliland ayaa dhamaan heshiisyadda ay la gashay DF ka ilaalisay in aan lagu soo dari karin ka hadalka gooni isu taago mamulkooda, taasoo dadku ay sheegayaan inay muhiim tahay in laga wada hadlo mustaqbalka Somaliland halka uu ku danbayn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com