Xog: Xasan oo xilal siinaya 5 ka mid ah qas-wadayaashii Nairobi + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa qaaday tallaabooyin uu doonayo inuu ku kasbado taaageerada kooxdii qas-wadayaasha ee Nairobi, ee siyaasaddiisa sida aadka ah u macaaraday.

Xasan Sheekh, ayaa sida ay xubno ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online billaabay inuu xilal wada siiyo xubnaha ugu miisaanka culus qas-wadayaasha Nairobi..

Waxa uu ka billaabay ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo uu ka dhiggay safirka Soomaaliya ee Mareykanka, si taasi uu ugu qanciyo isaga iyo beeshiisaba. Halkan ka arag

Waxaa sidoo kale lagu warramayaa in Xasan Sheekh uu safiirka Soomaaliya ee dalka Canada u magacaabi doono Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, oo ka mid ah siyaasiyiinta u ololeeya koxoda Axmed Madoobe ee xoogga ku haysata Kismaayo. Halkan ka arag

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale madaxa warfaafinta ee Villa Somalia u magacaabaya tifaftirihii hore ee laanta af-soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar, sida aan saaka werinnay. Halkan ka arag

Xasan Sheekh, ayaa dhinaca kale ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi u magacaabi doona safiirka Soomaaliya ee Britain ama wakiilka QM, inkasta oo aan weli go’aan laga gaarin.

Geedi ayaa doorbidaya QM, hase yeeshee madaxweynaha wuxuu la rabaa safiirka UK, mana cadda dhinaca ay u dhici doonto.

Sidoo kale Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wada-hadal kula jira madaxweynaha, isaga oo doonaya wasiirka maaliyadda, laakiin lama yaqaan waxa ay isku afgaran doonaan labada dhinaca.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com