Kenya oo lagu qaaday weerar kale oo lagu la’day (Dhimashada oo mareysa…

Mombasa(Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo watay mooto ayaa la sheegayaa in afar ruux ku dhawad ay dileen ayna dhaawaceen dad kale , kadib weerar ay ka geysteen magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Booliska ayaa u sheegay warbaahin deegaanka ku taala in kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen goob dadkaasi ay ku sugnaayeen taasi oo sababtay dhimashada afar ruux iyo dhaawaca dad kale.

Peter Musyoki, oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inuu arkayay markii toogashada ay shaceysay, isagoo sheegay in labo ruux oo wajiyada duubtay ay bastoolado ku dileen dadkaasi.

“Waxaan arkay labo ruux oo xirna dhar madow iyo gaduud ahaa oo madaxa kusoo xirtay waxay lugeynayeen waxayna toogasho kula dhaqaaqayeen qof walbaa oo ay arkaan”sidaasi ayuu yiri goob joogaha.

Wakaalada wararka Reuters ayaa baahisay in kooxaha hubeysan ay sidoo kale sheegayeen in weerarka uu la xiriiro weerarkii bishii lasoo ka dhacay deegaanka Mpeketoni oo 300 km waqooyi kaga beegan magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Inka badan 60 ruux ayaa labo maalin loogu dilay bishii June, waxaana madaxweynaha dalkaasi uu ku sheegay inay ka dambeeyaan shabakado siyaasadeed oo ka dhisan dalkaasi.

Dadka dhintay badankood ayaa la sheegayaa inay isku reer yihiin madaxweynaha dalka Kenya oo kasoo jeeda qabaa’ilka Kikuyaha la yiraahdo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com