AJAANIIB maanta lagu xiray PUNTLAND

Puntland(Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen labo ruux oo Soomaali ah iyo 11 ruux oo ajaaniib ah.

Seddex iyo Tobankaan ruux oo 11 kamid ah ay yihiin dad u dhashay wadanka Ethiopia, waxaana dhamaantood lagu qabtay deegaanka Buraan oo kamid ah deegaanada gobolka Sanaag.

Bootaan Axmed Bootaan, gudoomiyaha degmada Buraan oo dadkaan lagu qabtay ayaa sheegay in dadkaasi lagu xiray saldhiga booliska ee degmadaasi ayna mari doonaan sharciga.

Gudoomiyaha degmada wuxuu sidoo kale sheegay in dadkaasi ay u gudbin doonaan degmada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntland, si halkaasi maxkamad loogu soo taago.

Maamulka Puntland ayaa horay marar badan usoo saaray amaro dadka loogu digayo inay joojiyaan xaalufinta dhirta.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com