Boliiska Kenya oo baaraya arrin naxdin badan oo ka dhacday xaafadda ISLII

Nairobi (Caasimada Online) – Booliska Kenya ayaa baaraya dilka nin Soomaali ah oo meydkiisa laga helay xaafad ku taalla Nairobi.

Marxuumka oo ka mid ah ganacsatada xaafadda Islii ee Nairobi ayaa lagu magacaabi jiray Maxammuud Cabdi Maxammuud, waxaana la sheegay in bishii hore ay ka wateen xaafaddaa Islii rag dhar cad ah oo isku sheegay in ay yihiin ciidamada sirdoonka dalka Kenya.

Maxammuud Axmed Jimcaale wuxuu Adeer u yahay ninka la dilay, wuxuu warbaahinta u sheegay in meydka wiilkooda ay ka soo heleen shaley goob meydadka la dhigo oo ku taalla magaalada Nairobi.

Wuxuu sheegay in wiilkooda 23-kii bishii hore isagoo ku sugan xaruntiisa ganacsi ay wateen rag dhar cad oo ku yiri waxaa nahay nabad sugid.

“Waxaa watay rag dhar cad oo ku yiri waxaa nahay qolada muqaabaraadka markii ay wateen waxaa la joogay labo wiil kale kuwaasoo markii ay daba baxeyn ragga watay wiilka ay ku yiraahdeen waxaan geeneynaa xabsiga Bangaani, balse markii la tagay xabsiga laga soo waayay” ayuu yiri Maxammuud Axmed Jimcaale.

Wuxuu sheegay markii la waayay wiilkooda in ay tageen saldhigyo dhowr oo ku yaalla Nairobi laakin laga soo waayay.

Wuxuu tilmaamay in shaley loo sheegay in meyd qof Soomaali ah uu yaallo xabsi ku yaalla Nairobi balse markii ay soo arkeen uu noqon waayay wiilkooda, wuxuuna intaas ku daray in loo sheegay in meydadka seddax qof oo Soomaali ah ay ku jiraan talaado ku yaalla meel ka baxsan magaalada Nairobi markii ay tageen ay arkeen meydka wiilkooda.

Wuxu sheegay booliska ay u sheegeen arrinta waxaana ay weydiisteen la baaro oo arrintan aan sidaas looga harin.

Si kastaba, arrintan waxaa ka naxay Soomaalida ku nool xaafadda Islii kuwaasoo seddaxdii bilood ee la soo dhaafay lagu hayay raaf iyo qabqabasho aan sharci ahayn.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com