XOG: Beelaha HAWIYE oo ka fekeraya ku biirista mooshin ka dhan ah XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Hawiye, ayaa u dhowaanaya inay ku biiraan mooshin laga diyaarinayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka socda magaalada Muqdisho.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Wada-hadallo u socda siyaasiyiinta iyo xildhibaannada Hawiye, ayaa looga hadlayaa in beelaha Hawiye ay dan ugu jirto inuu meesha ka baxo Xasan Sheekh iyo in kale.

Inta badan, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo shacabka Hawiye, ayaa aaminsan in beesha ay Xasan Sheekh ka faa’iiday kaliya inuu xaqeedii duudsiiyo, isaga oo aan lahayn karti uu ku hor-istaago fidnada uu wado ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba inaan Xasan Sheekh meesha laga saarin, balse ay beesha si kale isaga dhiciso dowladda, hase yeeshee inta badan waxa ay u eg tahay in la isku raaci doono in Xasan Sheekh mooshin laga geeyo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka, ayaa hadda Muqdisho ku diyaarinaya mooshin lagu ceyrinayo Xasan Sheekh, waxaana taageero kasta oo ka timaada beelaha Hawiye ay ka dhigan tahay in maalmihii Xasan ay soo gebo geboobi doonaan.

Waxaa sidoo kale ay taasi soo af-jari doontaa fidnada raa’iisul wasaare Cabdi Weli, oo haddii madaxweynaha uu dhaco, isna dhici doona.

Beelaha Hawiye, ayaa xiriirka u jaray dowladda Soomaaliya, kadib markii ay gobolka Sh/Hoose raacisay Bay iyo Bakool, inkasta oo ay jirto xaqiiqda ah in gobolkaas ay Hawiye u badan yihiin.

Xasan Sheekh, waxa uu sidoo kale gobollada Jubboyinka horey ugu xalaaleeyey kooxda Axmed Madoobe.

Go’aanka Hawiye ee mooshinka Xasan, waxaa la filayaa maalmaha soo socda. Beelaha Hawiye, ayaa ku kalsoon in cid aan ayaga ahayn aysan waqtigan madaxweyne ka noqon karin Somalia, maadaama dowlad aysan raali ka ahayn aysan joogi karin Xamar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com