DEG DEG: Mas’uul ka tirsanaa gobolka Banaadir oo qarax lagu dilay caawa

Muqdisho (Caasimada Online)- War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax xoogan waxyar ka hor lala eegtay Gudoomiye Waaxeed ka tirsan Maamulka Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay isla Degmada Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir, waxaana lasoo sheegayaa in iminka halkaasi ay ku sugan yihiin Ciidamadda Dowlada.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ku geeriyooday, Gudoomiye Waaxeedka oo lagu Magacabi jiray Dooli,waxaana uu ka mid ahaa Gudoomiye Waaxeedyada Degmada Wardhiigleey.

Qaraxa ayaa la sheegay in Garigiisa loogu Xiray,waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeeysa Isgoyska Cali Kamiin iyo Furayaasha ee Degmada Wardhiigleey.

Gudoomiyaha Wardhiigleey Yaasiin Nuur Ciise oo ka hadlay Qaraxa ayaa waxa uu sheegay inuu geeriyooday Gudoomiye Dooli,kaas oo Caawa lagu Qarxiyey Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com