Dadkii ugu badnaa oo maanta Muqdisho ugu geeriyooday Coronavirus iyo kuwa kale oo badan oo laga helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa caawa soo saartay warbixintii Coronavirus ee 24-kii saac ee u dambeyey, waxaana lagu shaaciyey in dadkii ugu badnaa ay gudaha dalka saacadihii lasoo dhaafay ugu dhinteen cudurkan.

6-qof ayaa lagu sheegay inay 24-kii saac ee lasoo dhaafay Soomaaliya ugu geeriyootay xanuunka COVID-19.

Sidoo kale 49-qof oo ah kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah ayaa loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafa, sida lagu shaaciyey warbixinta wasaaradda caafimaadka.

30 kamid ah 49-ka qof ee maanta laga helay cudurkaas waa lab ama rag, halka 19-ka kalena ay dumar yihiin.

Warbixinta caawa ka soo baxday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in laba qof ay kasoo bogsatay xanuunkaas, waxayna noqoneysaa tiradii ugu badney oo bogsasho ah oo hal maalin la shaaciyo.

Tirada guud ee gudaha dalka Soomaaliya dadka laga helay Coronavirus ayaa gaartay 286 kiis, waxaa u geeriyootay 14 ruux, hal ay ka bogsatay 6-qof.

Warbixinta wasaaradda caafimaadka Soomaaliya laguma xusin halka ay ku kala noolyihiin dadkaas loo diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay in ay qabaan Coronavirus, sidoo kale laguma xusin goobaha ay ku kala noolaayeen kuwa dhintay iyo kuwa ka bogsadayba.