Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa mar kale maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay diiwaangelinta dadweynaha, si ay qayb uga noqdaan qorshaha qof iyo cod ee ay haatan ku howlan tahay Villa Soomaaliya.
Gudddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay inay dib u fureen diiwaangelinta, isaga oo ujeedka ku sheegay in fursad la siinayo xisbiyada cusub ee todobaadkan is diiwaangeliyay, kuwaas oo ay furteen xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee la heshiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Diiwaangelinta cusub ayaa socon doonto illaa dhammaanka bishan, waxaana ay ka socotaa dhowr xarumood oo ku yaalla gudaha caasimada.
“9 bishaan ilaa 30 keeda ayaa fureynaa diiwaan galinta si Ururada cusub ee ka diiwaan galiyay u helaan taageerayaal u codeeya” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikarrin Axmed Xasan.
Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in ururada kale ay is diiwaangeliyaan, isla markaasna ay albaadadu u furan yihiin, si ay qayb uga noqdaan doorashooyinka ka dhacaya dalka.
Sida qorshuhu yahay doorashada golaha deegaanka ee Gobolka Banaadit ayaa qabsoomi doono 30 bisha bisha October ee soo socota, sida uu horay u shaaciyay guddigu.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan ay is diiwaangeliyaan illaa 14 urur siyaasadeed oo ay ku jiraan xisbiyo ay furteen Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyihii hore ee Baalamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Wasiir hore Daahir Maxamuud Geelle, kuwaas oo la heshiiyay Villa Somalia.
Dhinaca kale waxaa weli maqan xubnaha mucaaradka ee uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo ka biyo diidan qorshaha Villa Somalia, waxaana burburay wada-hadallo la’isla gaaray 5 wareeg oo ay Villa Soomaaliya kula galeen Madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastab ha ahaatee, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa weli cakiran, waxaana la’isku hayaan cutubka 4aad ee dastuurka ee la beddalay iyo hannaanka doorashada 2026.

