Garowe (Caasimada Online) – Go’aanka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ku diiday nidaamka cusub ee fiisaha elektarooniga ah (e-visa) ee dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana u uku sii wado lacag dhan $60 oo laga qaadayo rakaabka ka soo degaya garoomada Puntland, waa isku day lagu muujinayo madaxbannaanida Puntland.
Hase yeeshee, tallaabadan ayaa khatar ugu jirta inay dib uga soo laabato siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo sumcad ahaanba, iyadoo shacabka Puntland iyo qurba-joogtaba ka dhigi karta kuwa kasoo horjeesta maamulkiisa.
Khilaafkan ayaa loo sawiray sidii loollan awood oo u dhexeeya Muqdisho iyo Puntland, balse dhibbanayaasha tooska ah ma aha mas’uuliyiinta federaalka ee waa shacabka caadiga ah ee reer Puntland.
Inta badan rakaabka ka dega Garowe iyo Boosaaso waa qurba-joog Soomaaliyeed oo ku soo laabanaya inay la kulmaan qoysaskooda, maalgelin sameeyaan ama xiriir dib ula yeeshaan dalkooda hooyo. Iyadoo horey loo bixiyay $64 oo fiisaha federaalka ah, haddana lagu khasbayo $60 kale oo Puntland ah, maamulka Deni wuxuu si dhab ah usoo rogay lacag laga qaadayo kuwa daacadda u ah.
Qaar badan waxay ku tilmaameen khibraddaasi mid xanuun leh: safaf dhaadheer oo garoonka ah, lacag labo jeer ah oo la bixiyo, iyo dareen ah in looga faa’iideystay gudaha dalkooda. Halkii ay tallaabadani u abuuri lahayd taageero madaxbannaanida Puntland ah, waxay khatar ugu jirtaa inay dhaliso caro iyo nacayb ka yimaada bulshada taabacsan Puntland.
Qurba-joogta Puntland ma aha oo kaliya astaan—balse waa tiir muhiim ah. Xawaaladaha ay soo diraan ayaa laf-dhabar u ah dakhliga qoysaska, ganacsiyada, iyo xitaa mashaariicda dowladaha hoose. In bulshadan laga fogaado iyadoo lagu soo rogayo lacago ay dad badani ku tilmaameen “ugaarsi” waxay daciifin kartaa xiriirkaas adag.
Haddii qurba-joogta reer Puntland ay u arkaan hoggaanka Garowe mid ka faa’iidaysta xaaladaha halkii uu ka ahaan lahaa mid ilaaliya, cawaaqibka ka dhalan karaa wuxuu dhaafsiisnaan doonaa dhibaatada garoonka oo kaliya. Saameyntooda dhaqaale iyo midda siyaasadeed—oo muhiim u ah xilliyada doorashooyinka iyo ololayaasha horumarineed—waxay ka weecan kartaa maamulka Deni.
Xilliga ay arrintani ku soo aadday ma jiro mid ka waxyeello badan. Muqdisho waxay ku tilmaantay fiisaha elegtarooniga ah ee federaalka “tallaabo taariikhi ah,” iyadoo muujinaysa in Soomaaliya ay tahay dowlad casriyaynaysa oo la jaanqaadaysa heerarka caalamiga ah ee dhijitaalka ah. Markii ay si bareer ah uga horyimaadeen nidaamkan, Puntland waxay halis ugu jirtaa inay u muuqato mid caqabad ku ah horumarka, kana fog hab-dhaqannada caalamiga ah ee ugu wanaagsan.
Sannado badan, Puntland waxay sheegan jirtay inay tahay tusaalaha dowlad-wanaagga iyo xasilloonida Soomaaliya. Dhacdadani waxay wiiqaysaa sheegashadaas, iyadoo maamulka u sawiraysa mid go’doonsan oo aan la socon dareenka iyo dhibaatada haysta muwaadiniintiisa.
Dabin dastuuri ah
Dhinaca sharciga, dastuurka Soomaaliya wuxuu awoodda socdaalka siinayaa dowladda federaalka, ma siinayo dowlad-goboleedyada. Shirkadaha diyaaradaha, oo ku tiirsan oggolaanshaha federaalka si ay u shaqeeyaan, waa inay sidoo kale u hoggaansamaan awaamiirta Muqdisho, maadaama hawada dalka ay hoos timaado maamulka qaranka, ee aysan ahayn mid gobol.
Tani waxay Deni uga tagaysaa laba doorasho oo kaliya: inuu u hoggaansamo nidaamka fiisaha elegtarooniga ah ee federaalka, ama inuu sii wado inuu dadkiisa laba jeer lacag kaga qaado garoonka. Labadan doorasho mid kasta wuxuu kashifayaa xaddiga kooban ee awooddiisa saameynta, wuxuuna halis gelinayaa kalsoonida lagu qabo hoggaankiisa oo sii yaraata.
Ikhtiyaar kale oo saddexaad waa inuu wada-hadal la furaa dowladda federaalka, isaga oo aqbalaya nidaamka e-visa, balse sidoo kale codsanaya in dakhliga ka soo xarooda qeyb laga siiyo, balse taas ma muuqato sababo la xiriira isla weynida Deni.
Waxaa laga yaabaa in dowladda Deni ay damacsanayd inay farriin awoodeed u dirto Muqdisho, laakiin taa beddelkeeda, waxay u muuqataa inay dhibaato u geysatay dadkeeda. Mas’uuliyiinta federaalka waxay hadda haystaan dood fudud oo ay ku hadlaan: diidmada Puntland maaha mid ay ku ilaalinayso muwaadiniinteeda, ee waa mid ay ku ciqaabayso.
Hase yeeshee, halista ugu weyn waa luminta kalsoonida. Haddii shacabka caadiga ah ee reer Puntland iyo qaraabadooda qurba-joogta ah ay aaminaan in loollanka siyaasadeed lagu wado iyagoo kharashkooda la bixinayo, Deni wuxuu halis gelinayaa inuu wiiqo saldhigga taageerada ee uu ku tiirsan yahay si uu u sii haysto awooddiisa.
Wixii loogu talagalay in lagu muujiyo madax-adayg waxay taa beddelkeeda kashifi karaan daciifnimo. Markii uu diiday nidaamka cusub ee fiisaha Soomaaliya, Deni ma uusan ceebayn Muqdisho—wuxuu kasbaday cadowtinimada dadkiisa. Hoggaamiye si weyn ugu tiirsan niyad-wanaagga qurba-joogta iyo taageerada shacabka, xisaabtan-xumadaasi waxay noqon kartaa mid aad uga qaalisan lacagta $60 ee lagu muransan yahay.

