Dadweyne meel fagaare ah ku gubay nin ‘ku istaagay’ kitaabka qur’aanka kariimka

Dhaka (Caasimadda Online) – Kumanaan shacabka reer Bangladesh ah ayaa meel fagaare ah ku khaarijiyay nin la sheegay inuu ku istaagay kitaabka qur’aanka kariimka maalintii Khamiista aheyd, ayaga oo dab qababdsiiyey.

Dadka la gubay ayaa sida la sheegay ahaa laba qof, waxaana la sheegay in mid ka mid ah uu gaaray dhaawac xooggan, kadib markii shacab carreysan ay ku goobteen, waxaa la sheegay in ninka la gubay uu ku istaagay kitaabka qur’aanka isagoo ku sugan Masjid ku yaala magaalada Burimari ee ku dhaw xadka Hindiya.

Taliska Booliska dalka Bangladesh ayaa sheegay iney labada qof meel ammaan ah geeyeen kadib markii ay dhibaato la kulmeen, waxaana soo wargaliyay jamaacadda Masjidka, balse dad careysan ayaa xoog ku galay goobtii ay Booliska joogeen.

Ninka la gubay oo 35-jir ahaa ayaa lagala baxay goobtii ay ku hayeen Booliska, si naxdin leh ayey u jir-dileen ka hor inta aysan laamiga bartamahiisa ku gubin.

Booliska waxey rideen 15-xabadood, balse shacabka uma aysan joojin, warbixinta waxaa lagu sheegay inuu ahaa qof caafimaadka maskaxdiisa aysan taam aheyn.

“Mid ka mid ragga ayey si xun u garaaceen illaa uu ka dhinto, kadibna jirkiisa ayey gubeen,” waxaa sidaas AFP u sheegay madaxa booliska degmada Abida Sultana.