Maxay tahay sababta Aadan Xeefow looga reebay dhaarta xildhibaanada HirShabelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya cabashada ka soo yeereysay sida loo wajahay soo xulista xildhibaanada labaad ee baarlamaanka HirShabelle oo dhowaan lagu dhowaaqay inkatoo weli kor loo hayo kuraasta qaar oo muran iyo dood adag ay ka taagan tahay.

Xildhibaanada cusub ayaa maanta lagu dhaariyey magaalada Jowhar, kadib munaasabad ka dhacday halkaasi, taas oo ay ka qeyb-galeen mas’uul kala duwan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa haatan sheegaya in mid ka mid ah liiska xildhibaanadii lagu dhowaaqay laga reebay dhaarinta, isagoona loo diiday inuu galo hoolka ay ka socotay munaasabadda dhaarinta ee lagu qabtay caasimadda HirShabelle ee Jowhar.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Xildhibaan Aadan Axmed Xeefow oo ka mid ah xubnihii la soo xulay ayaa waxaa ID-Card-kii la siiyey ka qaaday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramacd, kuwaas oo kadib is hortaag ku sameeyey xildhibaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in lagu bedalay nin magaciisa lagu sheegay Cabdixakiin Luqmaan Idiris oo loo dhaariyey xilkan, kaas oo aan ka mid aheyn xubnaha horey loo shaaciyey.

Aadan Xeefow oo ah ninka la boobay kursigiisa ee awooda loo sheegtay iyo Cabdixakiin Luqmaan ayaa ka dhashay jufada Jid Farax ee beesha Gaaljecel, waxaana labada nin ay isku heyteen kursigan, walow uu ku soo baxay liiskii la shaaciyey Aadan Axmed Xeefow oo ay soo gudbiyeen waxgaradka iyo odayaasha beesha uu ka soo jeedo.

Xiisad ka dhalatay arrintan ayaa ka taagan magaalada Jowhar, waxayna haatan socda kulamo xasaasi ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Arrintan ayaa qeyb ka noqoneyso musuq-maasuq iyo cabarashooyin xoogan oo hareeyey doorashada maamulka HirShabelle, waxaana haatan socda qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha intaba.